Muqdisho(Mareeg)-Saraakiisha Xarakada Mujahidinta Shabaab ayaa sheegay in gudoomiyihii Ahlu-shirkiga ee gobalka Gedo Xasan Sh. Cabdi ‘ Xasan Qoryoley’ ay ku dileen dagaaladii uga dambeeyey ee ka dhacay gobalka Gedo.
Afhayeenka Xarakada Shabaab ee dhanka dagaalada Sheekh C/siis Abuu Muscab oo maanta warbaahinta kula hadlayey magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xasan Sheekh Cabdi ‘ Xasan Qoryooley’ oo ahaa gudoomiyihii gobalka Gedo ay dileen.
Gudoomiyaha Ahlu shirki ee gobala Gedo ayaa waxaa uu shalley ku geeriyooday magaalada Nayrobi ee caasimada dalka Kenya waxaana uu u dhintay dhaawac ka soo gaarey dagaaladii uga dambeeyey ee ka dhacay duleedka degmada Garbahaareey ee gobalka Gedo.
Isaaq Xuseen Mursal ayaa geerida Sheekh Xasan Qoryooley u xaqiijiyey idaacadaha maxaliga ee magaalada muqdisho waxaana uu sheegay in xasan qoryoley uu dhaawac ka soo gaarey weerar gaadmo oo Shabaabku kolonyo uu la socday gudoomiyaha ku qaaday duleedka degmada Garbahaareey dhaawaciisana loo qaadey dalka Kenya kaaso u dhintay dhaawaciisa gellinkii dambe ee Shalley.
Shabaab ayaa markii uga horeysay todobaadkan ka hadashay dagaalada ka dhacay magaala madaxda gobalka Gedo marka laga reebo Sheekh Fu’aad Shongole oo geeridiisa beeninayey oo hadlay isaga shalley mooyee.
Waxaana uu Abuu Muscab Sheegay in guulo badan ka soo hoyeen dagaalkii qaraaree ee ay la galleen ciidanka dawlada oo kaabaya ku Culimaa’diin kusheega Ahlu-Shirki.