Page 1 of 1

Ras Caseyr State vs. Puntland

Posted: Mon May 09, 2011 6:55 am
by AbdiWahab252
Puntland oo go'doomisay deeganadii looga dhawaaqay Raasa-casayr State iyo weerarro laga cabsi qabo inay dhacaan

Isniin, May 09, 2011 (HOL) – Maamulka Puntland ayaa cuna qabatayn xagga isgaarsiinta ah ku soo rogay deegaanadii dhawaan looga dhawaaqay maamul goboleedka Raas-casayr State ee gobolka Bari,xilli madaxwaynaha maamulkaasi uu sheegay in Raas-Casayr State iyo Puntland ay yihiin laba maamul oo daris ah.

"Puntland wax wada hadal ah la gali mayso cid kasta oo ka soo horjeedda jiritaankeeda,waana canbaaraynaynaa maamulka halkaa looga dhawaaqay "ayuu yiri wasiirka amniga Puntland oo warbaahinta qaar la hadlay.

Waxaa kaloo wasiirka uu sheegay in maamulka Puntland uu yahay mid dadka ay ku wada noolyihiin nabad ,isla markaana ciddii loo arko in ay qal-qal ku waddo laga qaadi doono tallaabo waafaqsan sharciga sida laga soo xigtay wasiirka.

Yuusuf Axmed Khayr oo ay ka muuqatay in uu aad uga xunyahay maamulkan looga garab dhawaaqay Puntland ayaa sheegay in dowladda ay qorshaysanayso sidii meesha looga saari lahaa maamulka cusub ee lagu magacaabo Raasa-Casayr State.

Warar ay maanta baahiyeen qaar kamid ah warbaahinta ayaa lagu sheegay in Puntland ay weerari doonto goobaha maamulkaasi looga dhawaaqay ,isla markaana ay jiraan ciidamo goor horaba la diyaariyay,taasi oo uu ka gaabsaday wasiirka in uu si faah-faasan uga hadlo.

"Dowladda waxa ay wada hadallo la wadaa waxgaradka kasoo jeeda deegaanadaasi si loogu qanciyo in ay maamulkan ka tanaasulaan "ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka amniga Puntland oo dhaliil adag u jeediyay madaxda maamulkaasi.

Wasiirka amniga ayaa xusay in maamulkan cusub uu horseedi karo maamule kale oo looga dhawaaqo gudaha Puntland ,isagoo xusay in ay socdaan dadaallo la xiriira sidii maamulka uu u dar-dar galin lahaa maamul wanaagga.

Ugu danbayntii maamulkan Puntland ayaa u muuqda mid xoogga saaraya sidii meesha looga saari lahaa Raasa-casayr State ,lamana oga waxyaabaha ka soo bixi doona wada hadallada ay dowladda sheegtay in ay kula jirto odayaasha deegaanadaasi.

Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
Boston@hiiraan.com
Bosaaso, Soomaaliya

Re: Ras Caseyr State vs. Puntland

Posted: Mon May 09, 2011 7:10 am
by shiniile9
Jeberti internal affairs. :lol:

Re: Ras Caseyr State vs. Puntland

Posted: Mon May 09, 2011 7:41 am
by Niya
AbdiWahab,
I wouldn't start celebrating yet. Knowing my kin, this is much ado about nothing.

Re: Ras Caseyr State vs. Puntland

Posted: Mon May 09, 2011 10:18 am
by AbdiWahab252
Niya,

I stand with the Ras Caseyr State for taking things into their own hands.

Re: Ras Caseyr State vs. Puntland

Posted: Mon May 09, 2011 11:57 am
by hargaysaay
wtf is raascasayr any way good luck to those guys

Re: Ras Caseyr State vs. Puntland

Posted: Mon May 09, 2011 12:10 pm
by IRONm@N
Niya,

I stand with the Ras Caseyr State for taking things into their own hands.
I'm just wondering why you support every evil dictator that kills or suppress his people, first it was Mubarak and then you sided with Gaddafi and now you siding with Bashar Al Assad (the shiite murder)???

you like anything that sets muslims back a 100 years.

Re: Ras Caseyr State vs. Puntland

Posted: Tue May 10, 2011 2:10 am
by AbdiWahab252
IRONMAN,

I am antiAlQaeda and Ikhwan. These scum are a threat to the Ummah.

Re: Ras Caseyr State vs. Puntland

Posted: Tue May 10, 2011 2:58 am
by Dudaaye
Maamul beeleedka Majeerteen Dabadhilifka Xabashida Your time is up :up:

Ras Caseyr State
Image

Re: Ras Caseyr State vs. Puntland

Posted: Tue May 10, 2011 3:25 am
by FBISOMALIA
Maamul beeleedka Majeerteen Dabadhilifka Xabashida Your time is up :up:

Ras Caseyr State
Image
you stupid my hometown in map when it became part of ras ass state ..!!!

bari is part of puntland ,anyone try to mis with our safe we will bring him down no matter what

Re: Ras Caseyr State vs. Puntland

Posted: Tue May 10, 2011 3:32 am
by FBISOMALIA
Wasarada Amniga Puntland Oo Beenisay In ay Dagaal Ku Qaadayaan Deeganada Xeebaha Gobolka Bari

Boosaso ( RBC Radio) Wasarada Amniga Puntland ayaa Beenisay in Ciidamo Ka Tirsan Puntland ay Gaadheen deeganda Xeebaha Gobolka Bari.

Wasiirka Amniga Puntland Yusuf Axmed Khayr ayaa Warfidiyenada u sheegay in Hadalkaasi yahay mid La been abuuray isla Markasina dawalda Puntland Xiligani aanay Ciidamo ay leedahay Gaadhin Deegadana Xeebaha Bari.

Mudane yusuf axmed Khayr ayaa intaasi raaciyay in Qorshaha dagaal ee Lagu Wajahayo Baargaal iyo Caluula aanu Ahayn Mid Haatan u Qorsheysan Puntland.

Wasiirka ayaa waxaa uu isweydiyay Waxa Kalifaya in dagaal lagu Qaado Meelo Nabdoon Oo dawalda Puntland Gacanteeda ku jira.

Mar uu Wasiirka soo hadal Qaaday maamul Dhawaan La sheegay in Halkaasi Looga dhawaaqay ayuu ku soo Gaabiyay in aysan jirin Wax maamul Ah oo ka Madaxbanan Puntlad oo halkaasi Ka Arimiya.

Arimahani ayaa ahaa kuwo si weyn la iskula dhex marayay Gobolada Puntland balse hadalkani ka soo baxay wasaarada amniga puntland ayaa Meesha ka saaraya Hadalada sheegaya in Puntland ay ka Hortageyso Maamul dhawaan lagaga dhawaaqay deeganda xeebaha Gobolka Bari oo lagu magacaabo Raas’asayr Land.

RBC Radio

Re: Ras Caseyr State vs. Puntland

Posted: Tue May 10, 2011 3:43 am
by Dudaaye
Puntland exists in name only!

The Tribes have full control of all tribal affairs and tribal territory :up: :D

Re: Ras Caseyr State vs. Puntland

Posted: Tue May 10, 2011 3:48 am
by FBISOMALIA
Puntland exists in name only!

The Tribes have full control of all tribal affairs and tribal territory :up: :D
listen stupid dont mis with my hometown and my ppl, if you want to know the fact go to puntland otherwise shut up :|