Farmaajo “waan soo dhaweynayaa duqeyn laga geysto Somalia”
Muqdisho:- (S.M.N ) Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Farmaajo oo wareysi siinayay Jaraa’id lagu magacaabo the Wall Street Journal ayaa shaaca ka qaaday in uu soo dhaweynayo weerar ama duqeyn dowladda Maraykanka ay ka geysato gudaha dalka Soomaaliya kaasi oo looga soo horjeedo dagaalyahanada Al qaacida ee kusugan gudaha dalka Soomaaliya.
Max’ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya ay si aad ah u doorbidi laheyd weerar ka dhan ah dagaalyahanada Al Qaacida oo ay fuliyaan ciidamada DKMG hadii ay suura gal noqon laheyd hase ahaatee waxa uu tilmaamay in hadii taasi lawaayo uu si aad ah u soo dhaweynayo bartilmaameed iyo weeraro meesha dowladda Maraykanka meesha ay uga saareyso Al Qaacida.
Dowladda Maraykanka ayaa horay waxa ay weeraro uga fulisay gudaha dalka Soomaaliya iyadoo sanadka markii uu aha 2008-deedii weerar dhinaca cirka ay ku qaarijisay hogaamiye sare oo lala xiriirinayay in uu ka tirsanaa Al qaacid.
Isagoo sii watta wareysiga uu Ra’iisul wasaare Farmaajo siinayay wargeyska Wall Street Journal ayaa waxa uu sheegay in geerida hogaamiyihii ururka Al Qaacida oo dhawaan ay sheegtay dowladda Maraykanka in ay ku dishay howlgal ay ka sameysay dalka pakistaan ay wiiqi karto awooda xarakada Al Shabaab ee xiriirka la leh ururka Al qaacida.
Ugu dambeyntii Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya Max’ed cabdullaahi Farmaajo ayaa u sheegay Jaraa’idka the Wall Street Journal in Soomaaliya looga baahanyahay feeginaan la mid ah mid ka jirta wadamada afganistaan iyo Ciraaq si looga fogaado weeraro Al qaacida ay geysato gobolka iyo dunida inteeda kale



