Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

timacade kanasib kana sar calanka

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
Spursman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1831
Joined: Sat Apr 04, 2009 2:31 pm

timacade kanasib kana sar calanka

Postby Spursman » Thu May 26, 2011 1:49 pm


Xamud.
Posts: 11173
Joined: Sun Mar 11, 2007 11:13 am
Location: Halabokhad,Mudug. Bunlayn

Re: timacade kanasib kana sar calanka

Postby Xamud. » Thu May 26, 2011 2:26 pm

One of my favorite Gabays

Sermaa waa ino Hilaacay
Asaga maanta darorayoo, siigadi naga merayoo
Saq dheexo baaynu ahayeene,ee kii so saray cadceedo
Samadaas bu u eekayee, xidigahaa mid la siyoo
Soo ciilki kala guurnay
Bal aan sidu yahay eego ee kana siib kana saar


AUN Suldaan Timacadde

Spursman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1831
Joined: Sat Apr 04, 2009 2:31 pm

Re: timacade kanasib kana sar calanka

Postby Spursman » Fri May 27, 2011 6:10 am

One of my favorite Gabays

Sermaa waa ino Hilaacay
Asaga maanta darorayoo, siigadi naga merayoo
Saq dheexo baaynu ahayeene,ee kii so saray cadceedo
Samadaas bu u eekayee, xidigahaa mid la siyoo
Soo ciilki kala guurnay
Bal aan sidu yahay eego ee kana siib kana saar


AUN Suldaan Timacadde
:up:

User avatar
ToughGong
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15321
Joined: Mon Jul 14, 2008 11:06 pm
Location: No Justice Just Us

Re: timacade kanasib kana sar calanka

Postby ToughGong » Fri May 27, 2011 6:51 am

One of my favorite Gabays

Sermaa waa ino Hilaacay
Asaga maanta darorayoo, siigadi naga merayooSaq dheexo baaynu ahayeene,ee kii so saray cadceedo
Samadaas bu u eekayee, xidigahaa mid la siyoo
Soo ciilki kala guurnay
Bal aan sidu yahay eego ee kana siib kana saar


AUN Suldaan Timacadde
Asaga maaha e waa Sagal a type of rain e.g. Mahiigaan

Soo ciil maahaa waa Saaxir (the magician) yacni he who had hypnotized us

:up: :sland:

User avatar
qoraxeey
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20485
Joined: Sat Dec 05, 2009 12:37 pm
Location: Im special

Re: timacade kanasib kana sar calanka

Postby qoraxeey » Fri May 27, 2011 7:21 am

i like the other one he wrote for the president

that one from www.jaallesiyaad.com


:clap:

User avatar
ZubeirAwal
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15173
Joined: Sat Mar 19, 2011 1:05 pm
Location: No one feels safe from hypocrisy except the hypocrite.

Re: timacade kanasib kana sar calanka

Postby ZubeirAwal » Fri May 27, 2011 8:31 am

i like the other one he wrote for the president

that one from http://www.jaallesiyaad.com


:clap:
stop with this jaale bullshit , can't you leave a dead man alone :|

User avatar
Kukri
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6571
Joined: Thu Oct 02, 2008 8:21 am
Location: Jigjiga

Re: timacade kanasib kana sar calanka

Postby Kukri » Fri May 27, 2011 8:42 am

_________Kaana Siib, Kanna Saar____________

In dhoweydba waa taan salallay sadarradaydiiye
Ma safaynnin maansooyinkii aan saayidkow helaye
Salku leeye ayaamahan ma bixin soonfur dabadeede
Subicii dhammaadaba mar baan saari jirey luuqde
Siddo la qabsaduu leeyahay iyo subucyo dhaadheere
Labadaba markuu seego wayga surgacantaaye
Aan safeeyo maansada tixdii bay sihatay laabtiiye

Anigoo sebi uun ahoo
Sita leeb iyo qaanso oo
Siigadoon isku aasiyo
Sabo reer ka fogaanninoo
La ii aamminin soofkiyo
Saacan maanta aan joogno
Gabaygu waygu sugnaayoo
Suxufiinta dhawaaqdana
Anigowgu sarreeyaye
Haddii aan sixi waayo
Ama aan sarsarriigo
Ama aan sarmaseejo
Ama aan ka salguuro
Amaba laygu saluugo
Saamiciinta maqlaysaay
I su’aala hadhowto

Ilaahaan waxba seegine
Subaciisa Quraankiyo
Sabbaxooyin ku sheegayow
Saciira iyo Naciima
Rabbigii kala seerayow
Marka suurku dhawaaqo’e
La soo saaro makhluuqa
Shaqiga iyo saciidka
Maalintaad kala soocdo
Dembigaannu samaynnay
Rabbigayagow naga saamax

Subciyoo ka dukeeyaye
Sawd kaleetana waa
Soomaaloo calan taagta
Saakay noogu horreysa oo
In sidayda tihiin iyo
In kalaanan saxaynnine
Saddex wiig iyo maalmo
Haddaan soor cuni waayo
Safrad laygama yaabo
Sarimayso naftayda’e
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma nusqaamow
Aan siduu yahay eego’e
Kaana siib kanna saar

Ka siddeetan sabaan
Calankaannu sugeynnayee
Sahankiisa ahaynow
Seermaweydo hillaacdayow
Sagal maanta darroorayoo
Siigadii naga maydhayow
Saqdhexaannu ahaynne
Kii soo saaray cadceeddow
Samada kii u ekaaye
Xiddigaha mid la siiyow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma nusqaamow
Aan siduu yahay eego’e
Kaana siib kanna saar

Saalixiinta Islaamku
Sirta kay ku arkeenow
Saahidiinta Quraanka
Subcisaa Jimcayaashiyo
Sibyaanta iyo haweenku
Calankay sahadsheenow
Cidina kaanay na siinine
Saadir noogu yaboohayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma nusqaamow
Aan siduu yahay eego’e
Kaana siib kanna saar

Sankuneefle dhammaanteed
Khalqiga kii u sinnaayee
Mid saaxiib la ahaynow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma nusqaamow
Aan siduu yahay eego’e
Kaana siib kanna saar

Kii saaciddada keenayow
Sedadu kay ku xidhnaydow
Sallaankii Istiqlaalkow
Seyruuqii Afrikaadow
Siraadkii na iftiinshaye
Soomaaloo dhan xorreeyayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma nusqaamow
Aan siduu yahay eego’e
Kaana siib kanna saar

Faralka iyo Sunnaha iyo
Wixii diinta ku saabsan
Cad kii na saddexeeyayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma nusqaamow
Aan siduu yahay eego’e
Kaana siib kanna saar

Kii gumeysiga saaraye
Isticmaarkii sumeeyaye
Seedihii kogsanaa iyo
Seetadii naga gooyayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma nusqaamow
Aan siduu yahay eego’e
Kaana siib kanna saar

Soomaaloo is cunaysa oo
Isa seegan dhammaannoo
Saqda qaylo dhawaaqdiyo
Sulub laysu cabbaystiyo
Hadba soof la xabbaadhiyo
Sarraaraa demin weydey
Kii laydhiisu na saaqday
Kii sadqeeyey qabaa’ile
Isu saaray gacmaayee
Saf walaala ka yeelayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma nusqaamow
Aan siduu yahay eego’e
Kaana siib kanna saar

Nimankii na siraayayee
Waax-waax noo kala saaftaye
Solanaayay cadkeenna
Innagoo dhexda suunku
Sabarkeenna qarqooray
Kii sadkeenna cunaayay
Sarartiisa ka muuqdaye
Surwaalkii ka yaraadaye
Daaro loo sibidheeyiyo
Sariiraa lagu seexdiyo
Kabadh suuf laga buuxshiyo
Mid baabuurka sifeeyiyo
Sagaal booy iyo kuug iyo
Aayad saarta carruurtiyo
Weliba seeska lahaa
Kii sabaanka u laabayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma nusqaamow
Aan siduu yahay eego’e
Kaana siib kanna saar

Sowjarkaa hubka qaataye
Intuu soodhka ku taagay
U diyaara salaantiyo
Saraakiisha amraysaay
Sifihii isticmaarka
Ka siyaadiya maanta
Sibilkeennaan ag joogow
Sibirtiisa istaaga
Nin walbaa sigib beelo
Sarrow taaga gacmaha oo
Sacabka isku garaaca oo
Nin walbaa saddex goor
Subxaanow waa mahaddaa dheh!

:up:

Spursman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1831
Joined: Sat Apr 04, 2009 2:31 pm

Re: timacade kanasib kana sar calanka

Postby Spursman » Fri May 27, 2011 12:15 pm

:up:

User avatar
ToughGong
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15321
Joined: Mon Jul 14, 2008 11:06 pm
Location: No Justice Just Us

Re: timacade kanasib kana sar calanka

Postby ToughGong » Sat May 28, 2011 10:39 am

Sibilkeennaan ag joogow
Sibirtiisa istaaga
Nin walbaa sigib beelo
Sarrow taaga gacmaha oo
Sacabka isku garaaca oo
Nin walbaa saddex goor
Subxaanow waa mahaddaa dheh!
Subxaanow waa mahad
Subxaanow waa mahad
Subxaanow waa mahad
:up: :sland:

Spursman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1831
Joined: Sat Apr 04, 2009 2:31 pm

Re: timacade kanasib kana sar calanka

Postby Spursman » Mon Jun 06, 2011 7:14 am

_________Kaana Siib, Kanna Saar____________

In dhoweydba waa taan salallay sadarradaydiiye
Ma safaynnin maansooyinkii aan saayidkow helaye
Salku leeye ayaamahan ma bixin soonfur dabadeede
Subicii dhammaadaba mar baan saari jirey luuqde
Siddo la qabsaduu leeyahay iyo subucyo dhaadheere
Labadaba markuu seego wayga surgacantaaye
Aan safeeyo maansada tixdii bay sihatay laabtiiye

Anigoo sebi uun ahoo
Sita leeb iyo qaanso oo
Siigadoon isku aasiyo
Sabo reer ka fogaanninoo
La ii aamminin soofkiyo
Saacan maanta aan joogno
Gabaygu waygu sugnaayoo
Suxufiinta dhawaaqdana
Anigowgu sarreeyaye
Haddii aan sixi waayo
Ama aan sarsarriigo
Ama aan sarmaseejo
Ama aan ka salguuro
Amaba laygu saluugo
Saamiciinta maqlaysaay
I su’aala hadhowto

Ilaahaan waxba seegine
Subaciisa Quraankiyo
Sabbaxooyin ku sheegayow
Saciira iyo Naciima
Rabbigii kala seerayow
Marka suurku dhawaaqo’e
La soo saaro makhluuqa
Shaqiga iyo saciidka
Maalintaad kala soocdo
Dembigaannu samaynnay
Rabbigayagow naga saamax

Subciyoo ka dukeeyaye
Sawd kaleetana waa
Soomaaloo calan taagta
Saakay noogu horreysa oo
In sidayda tihiin iyo
In kalaanan saxaynnine
Saddex wiig iyo maalmo
Haddaan soor cuni waayo
Safrad laygama yaabo
Sarimayso naftayda’e
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma nusqaamow
Aan siduu yahay eego’e
Kaana siib kanna saar

Ka siddeetan sabaan
Calankaannu sugeynnayee
Sahankiisa ahaynow
Seermaweydo hillaacdayow
Sagal maanta darroorayoo
Siigadii naga maydhayow
Saqdhexaannu ahaynne
Kii soo saaray cadceeddow
Samada kii u ekaaye
Xiddigaha mid la siiyow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma nusqaamow
Aan siduu yahay eego’e
Kaana siib kanna saar

Saalixiinta Islaamku
Sirta kay ku arkeenow
Saahidiinta Quraanka
Subcisaa Jimcayaashiyo
Sibyaanta iyo haweenku
Calankay sahadsheenow
Cidina kaanay na siinine
Saadir noogu yaboohayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma nusqaamow
Aan siduu yahay eego’e
Kaana siib kanna saar

Sankuneefle dhammaanteed
Khalqiga kii u sinnaayee
Mid saaxiib la ahaynow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma nusqaamow
Aan siduu yahay eego’e
Kaana siib kanna saar

Kii saaciddada keenayow
Sedadu kay ku xidhnaydow
Sallaankii Istiqlaalkow
Seyruuqii Afrikaadow
Siraadkii na iftiinshaye
Soomaaloo dhan xorreeyayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma nusqaamow
Aan siduu yahay eego’e
Kaana siib kanna saar

Faralka iyo Sunnaha iyo
Wixii diinta ku saabsan
Cad kii na saddexeeyayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma nusqaamow
Aan siduu yahay eego’e
Kaana siib kanna saar

Kii gumeysiga saaraye
Isticmaarkii sumeeyaye
Seedihii kogsanaa iyo
Seetadii naga gooyayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma nusqaamow
Aan siduu yahay eego’e
Kaana siib kanna saar

Soomaaloo is cunaysa oo
Isa seegan dhammaannoo
Saqda qaylo dhawaaqdiyo
Sulub laysu cabbaystiyo
Hadba soof la xabbaadhiyo
Sarraaraa demin weydey
Kii laydhiisu na saaqday
Kii sadqeeyey qabaa’ile
Isu saaray gacmaayee
Saf walaala ka yeelayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma nusqaamow
Aan siduu yahay eego’e
Kaana siib kanna saar

Nimankii na siraayayee
Waax-waax noo kala saaftaye
Solanaayay cadkeenna
Innagoo dhexda suunku
Sabarkeenna qarqooray
Kii sadkeenna cunaayay
Sarartiisa ka muuqdaye
Surwaalkii ka yaraadaye
Daaro loo sibidheeyiyo
Sariiraa lagu seexdiyo
Kabadh suuf laga buuxshiyo
Mid baabuurka sifeeyiyo
Sagaal booy iyo kuug iyo
Aayad saarta carruurtiyo
Weliba seeska lahaa
Kii sabaanka u laabayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma nusqaamow
Aan siduu yahay eego’e
Kaana siib kanna saar

Sowjarkaa hubka qaataye
Intuu soodhka ku taagay
U diyaara salaantiyo
Saraakiisha amraysaay
Sifihii isticmaarka
Ka siyaadiya maanta
Sibilkeennaan ag joogow
Sibirtiisa istaaga
Nin walbaa sigib beelo
Sarrow taaga gacmaha oo
Sacabka isku garaaca oo
Nin walbaa saddex goor
Subxaanow waa mahaddaa dheh!

:up:
:up:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 68 guests