Gaarigayaga marna Miles ba saaran marna Musaveni
Posted: Mon Jun 06, 2011 4:12 pm
Marna ma Milez-saa marna ma Musaveni-yaa
26-ka Janaayo ee fooda nagu soo haysa ee Sannadka 2012 hadduu Alle idmo waxaa buuxsamaya 21 sano oo ay Soomaaliya ku jirtay Burbur iyo dagaalo aan dhamaad laheyn, waxaana xiligaasi barbardhac noqonaya 21 sano oo Maxamed Siyaad Barre wadankaan xukumayey oo ay dadku haysteen nabad iyo xasilooni iyo 21 sano oo dowlad la’aan ah. Haddii aan dib u fiirino xaaladda burburka iyo dagaalada waxaa xaqiiqo ah in fawdadaasi iyo dagaaladaas ay qayb ka yihiin dowlado shisheeye oo ay ugu horeyso dowladda Itoobiya oo iyadu mar ahayd mid lagala tashado xaaladda Soomaaliya taasina waxay keentay in Soomaaliya u soo dirto kumanaan kun ah oo Ciidan ah kuwaas oo Soomaaliya ka gaystay xadgudubyo aad u weyn, hase yeeshee hamigii ay ka lahayd Soomaaliya waxa uu noqday hal bacaad lagu lisay, waayo waxa ay dooneysay dowladda Itoobiya in Soomaaliya ka dhalato dowlad dabadhilif u ah oo ka shaqeysa danaha Itoobiya, hase yeeshee shacabka Soomaaliyeed ayaa middaa ka dhiidhiyey waxayna keentay in maalin cad Itoobiya kabaheeda ka qaadato Soomaaliya, waxa uuna Miles Zenawi yiri “Dib dambe ciidamadeenu Soomaaliya uma geli doonaan”, waxayna ku ekaan doonaan xuduudda.
Dowladda Itoobiya weli Soomaaliya kama dayn faragelintii waxayna dhowr jeer soo abaabushay ciidamo dagaalo ka wada xuduudaha Soomaaliya hase yeeshee ciidamadaasi ma aysan sameyn wax horumar ah, wuxuu sheegay askari ka soo baxsaday askartii ay tababareysay Itoobiya in Dowladda Itoobiya ay had iyo jeer ciidamada Soomaalida u tababarto in ay gidaar ka dhigato oo ay ku sugnaadaan Gobolada xuduuda la wadaaga Itoobiya, waana midda ay ka dhiidhiyeen qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Soomaaliya oo iyagu weydiiyey Itoobiya su’aal ahayd “Maxay ciidamadu horey ugu socon la’ yihiin oo ay ugu eg yihiin xuduudaha Gobolada”, waxayna su’aashaani keentay in saraakiil badan xabsiga la dhigo kadib markii ay fahmeen qorshaha Itoobiya.
Dowladda Itoobiya ayaa shir kasta oo la qabto haddaysan danaheeda ka arkin waxay dadaal badan u galeysaa in ay cagta mariso oo uu shirkaasi noqdo mid fashilma, tusaale ahaan Dowladdii uu C/qaasim madaxda ka ahaa ee lagu soo dhisay dalka Jabuuti ma aheyn mid Dowladda Itoobiya lagala tashtay hase yeeshee markii dambe Itoobiya waxay ka shaqeysay in ay dowladdaasi burburto, waxayna sidoo kale si qasab ah loogu daray Kooxda Xiriirka Soomaaliyeed si ay ula socoto xaaladda Soomaaliya, waxaana xaqiiqo ah in Dowladda Itoobiya mudadaasi ay Soomaaliya faragelinta ku haysay in ay ka heshay lacag aad u fara badan, waxayna shacabka Soomaaliyeed la yaaban yihiin sababta uu nin kasta oo madaxtinimo Soomaaliyeed loo dhiibo booqashadiisa koowaad ugu tago dalka Itoobiya.
Waxay xaaladdu soo jiidanto arrintu waxa ay hadda u muuqataa in Miles Zenawi ka gudbeyso oo ay hogaanka u qabteen dowlado kale sida Yugandha oo ciidamo 6 kun oo askari ka joogaan Soomaaliya, waxaana soo muuqanaya in madaxweynaha wadanka Yugandha Musaveni uu yahay ninka bedelay booskii Miles Zenawi, waxaana haatan bilaabatay in lagala tashado arrimaha Soomaaliya wuxuu shalay ku hanjabay in ciidamadiisa uu kala soo bixi doono Soomaaliya haddii Dowladda Sheekh Shariif aan loogu darin mudo hal sano ah iyadoo Madaxweyne Shiikh Shariif uu Noqdey Siyaasigii ugu horeeyey ee xiriir la sameysta Miles yo Musavini inkastoo uu hore shacabka ugu Baaqey in lala dagaalamo Itoobiya oo uu ku tilmaamey caddowga Koowaad ee Soomaaliya, waxaa layaab leh in Meless uu yimid Muqdisho iyadoo Musavin oo ka duulaya Iskoor uu dhigey Meless ee Imaanshaha Muqdisho uu isna yimid Magaalada Muqdisho waxayna shacabka isweydiinayaa Su’aal Madaxa daalisey ku noqotey sababaha ay u imaan la’ yihiin Muqdisho ismaaciil Cumar Geele , Al-Bashiir iyo Kibaki marka waxaa xaqiiqo ah in Mieless iyo Musavini ay soomaaliya ka leeyhiin danno waaweyn oo aad u fog
waxayna tani ku tusuneysaa in sida ay isugu fikir dhow yihiin Miles Zenawi oo ay horey ugu cago-jugleyn jiray in uu ciidamadiisa kala bixi doono Soomaaliya haddii aan arrinta Soomaaliya lagala tashan, waxaana magaalada Kampala ee dalka Yugandha lagu qabtay shirar kala duwan oo looga hadlayey arrimaha Soomaaliya waxaana dowladda Yugandha ka soo galay Malaayiin doolar, sidoo kale dalka Uganda waxay saldhig u noqotay in lagu soo tababaro ciidamada Soomaaliya oo iyana lagu cuno malaayiin doolar. Musaveni ayaa dhawaan warqad u qoray Qaramada Midoobey oo uu kaga codsanayo in Hay’addaha Qaramada Midoobey iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha Soomaaliya eek u sugan Nairobi loo soo wareejiyo Magaalada Kampala ee dalka Yugandha waxa uuna hadalkaan ku soo beegmay xili Xukuumada uu Ra’isul Wasaaraha ka yahay Maxamed C/llaahi Farmaajo ay dhawaan Qaramada Midoobey ka codsatay in xafiisyada Qaramada Midoobey iyo xafiisyada kale ee caalamiga ah loo soo wareejiyo Soomaaliya, waxaana halkaas kaaga muuqaneysa in Musaveni uusan ka shaqeyn danaha Soomaaliya balse uu ka shaqeynayo danaha dalkiisa iyo dadkiisa reer Yugandha, sidoo kale Musavini wuxuu qal qaalo ugu jiraa sidii ay Dowladiisa uga mid Noqn lahayd Kooxda Xiriirka Soomaaliya .
Xaafad ku taala Magaalada Kampala ayaa shacabka waddankaasi waxay u bixiyeen Xaafadda Alshabaab, sababta magacaan loogu bixiyey xaafadaasi ayaa ka dambeysay kadib markii halkaasi laga dhisay guryo ay dhisteen ehelada Askarta Yugandha ee Soomaaliya ku sugan iyo kuwii ku geeriyoodey Dagaalada Mauqdisho madaama ay lacago fara badan ka heleen hawlgalada dhiiga badan ku daatay ee Askarta Yugandha ka wadaan Magaalada Muqdisho. Askari ka mid ciidamada Yugandha ka jooga Soomaaliya ayaa yiri “waxaana aad u daneyneynaa in dagaaladu ay sii socdaan, waayo haddii dagaaladu istaagaan waxaan weynaynaa lacagta aanu ka helno hawlgalkaan, waxaana soo degdegaya in Soomaaliya aan isaga baxno”, waxaa halkaas kaaga muuqanaya in ciidamada Burundi iyo kuwa Uganda aysan Soomaaliya u joogin in ay nabad ka dhaliyaan balse danahooda gaarka ah wataan.
Guntii iyo gebagabadii shalay waxay ahayd Miles Zenawi maantana waxay mareysaa Musaveni berina mid kale, sidaasi darteed waa muhiim in Shacabku hurdada ka kaco oo ay tashadaan si rasmi ahna u fahmaan qorshayaasha la maleegayo sidoo kale dadku waa in ay fahmaan in wadamada shisheeye ay soo tafaxeysteen in arrimaha Soomaaliya ka ganacsadaan isla markaana waxay ogaadeen in faa’iido ugu jirto in dagaaladu iska socdaan, waxaana looga gudbi karaa iyadoo la wada hadlo isla markaana daacad laga wada noqdo xalka arrimaha Soomaaliya, wayna muuqataa in qorshihii shisheeyuhu ku soo uruuray in xalka Soomaaliyeed yahay in ay dagaal ku jiraan oo maalin walba dhintaan dad fara badan, sidaasi darteed waa in aan fikirkaasi bedelnaa oo danteena garanayaa.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro1@hotmail.com
amiinkhasaaro@yahoo.co.uk