In ka badan 400-qof Soomaali ah oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika sannadihii lasoo dhaafay
Talaado, June 07, 2011 (HOL) – In ka badan 400-qof oo Soomaali ah ayaa lagu dilay dalka Koonfur Afrika sannadihii lasoo dhaafay, kuwaasoo intooda badan lagu dhex-dilay goobo ganacsi oo ay lahaayeen, waxaana lagu tilmaamay dilalkan kuwo isir-sifeyn ah ama dagaal aamusan.
Ugu yaraan 100,000 oo Soomaali ah ayaa ku nool dalka Koonfur Afrika, iyadoo maalin walba ay dalkaas galaan 200 qof oo Soomaali ah, kuwaasoo ka cararay dagaallada iyo rasbshadaha ka jira Soomaaliya.
Sarkaal Koonfur Afrikaan ah ayaa sheegay inay qabaan tuhun ah in dalka ay soo galeen dagaal-oogayaal Soomaali ah oo qayb weyn ku leh dilalka joogtada ah ee loo geysanayo dadka Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool.
Warbixin lagu daabacay shabakadda Timeslive ee saldhiggeedu yahay dalka Koonfur Afrika ayaa lagu sheegay in baaritaanno ku saabsan dilalka Soomaalida loo geystay oo muddo laba bilood ah laga sameeyay gobolka Estern-Cape ayaa lagu sheegay in ganacsatada Soomaalidaha ay iyagu is-dilaan iyagoo la kala safan burcad madow ah.
"Dhibaatada ugu weyn ee Soomaalida Koonfur Afrika ku nool haysata waa mid ku saleysan is-fahamdarro dhexdooda ah," ayuu yiri Yuusuf Ibraahim oo afhayeenka jaaliyad Soomaaliyeed oo ka jirta magaalada East London ee dalka Koonfur Afrika.
Labadii sanno ee lasoo dhaafay in ka badan 100 qof oo Soomaali ah ayaa lagu dilay gobolka Estren Cape ee dalka Koonfur Afrika, kaasoo ka mid ah gobollada ay sida aadka u degeen Soomaalida qoxootiga ku ah dalkaas.
Magaalooyinka Port Elizabeth iyo East London waxaa ku yaalla 400 qabri oo ay ku aasan yihiin Soomaali lagu dilay dalka Koonfur Afrika, waxaana dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinkaas ay sheegeen in dadkan ay dileen Soomaali kale oo la shaqeysta burcadda Koonfur Afrikaanka ah.
"Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika toddobaadkii waxaa si qasoodi ah loo dilaa saddex qof, waxaana dila dad Soomaali ah oo ay u tababareen qowlaysato Koonfur Afrikaan ah inay ugu shaqeeyaan 5,000 oo lacagta Koonfur Afrika ah," ayuu yiri mid ka mid ah dhaqdhaqaaqayaasha xuquuqda aadanaha oo op
lagu magacaabo Maxamuud Cabdi Diiriye.
Afhayeenka ciidamada booliiska Esatren Cape Br. Mainda Mills ayaa sheegay in dadka Soomaalida ah ay dhexdooda is-dilaan, waxaana u dhexeeya khilaaf dhinaca ganacsiga ah, isagoo sheegay inaysan jirin wax ay ka qaban karaan.
Bal doqonnimadaas cad fiiriya, instead of protecting themselves they do the opposite.




