Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

BREAKING NEWS: Farmaajo Asking For Money To Leave Post

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Somalian_Boqor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10847
Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
Location: Fuck Faroole & His Supporters

BREAKING NEWS: Farmaajo Asking For Money To Leave Post

Postby Somalian_Boqor » Thu Jun 09, 2011 12:39 pm

Image

Dude said he ain't giving a public announcement until his compensation for resigning is put in his hands.


jowhar.com attacks farmeajo and calls his team actions "the worst corruption ever" :mrgreen:


Maxaa kala socotaa Qalabkii ugu muhiimsanaa abid Soomaaliya gar gaar ahaan loo siiyo oo la iibsaday
Iyadoo mudooyinkan ay jireen hadal heyn badan oo ku aadan ku takri falid iyo hanti lunsasho la sameeyay, kadib markii la helay Xog ku saabsan in Lacag Malaayiin Doolar ah oo soo gashay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, la waayay meel ay ka baxday.

Xukuumada uu hogaamiyo Ra'iisul Wasaare Farmaajo ayaa la rumeysan yahay inay tahay Xukuumadii u horeysay ee Soomaaliya oo ka hesha Caalamka gar gaar kala duwan, oo isugu jirtay deeqo mucaawino u badan daawooyin iyo kuwa kale.

Warar horu dhac ah oo ay heleyo Shabakada Jowhar.com ayaa sheegaya ilaa 7-xabo oo ah qalabka Caafimaadka la yiraahdo Intensive Care ee ah qalabka loo isticmaalo xaalada dega dega oo Dowladda KMG ay deeq ahaan ugu heshay dalka Ruushka, qaarkood la iibsaday.

Tuhuno la xiriira arrimahaas ayaa waxay muujinayaan inay ku lug leeyihiin Wasiirka Caafimaadka iyo Kuxigeenkiisa, iyadoo arrintan ay tahay mid ay ka war hayaan Xafiisyada Ra'iisul Wasaaraha, inkastoo aanay wax hadal ah ka soo saarin.

Qalabkan xaalada deg dega ayaa ah kii ugu horeeyay abid Soomaaliya loogu deeqo tan iyo 20-kii sano ee bur burka aheyd dalka, sidoo kale xilliyadaas ayaa waxaa adkeyd in howlaha lagula tacaalo qofka gala xaalada dega dega ama Koomada oo aan loo heli jirin wax xal ah, marka laga reebo in loola cararo dalalka dibada.

Sidoo kale qalabkan ayaa mid ka mid ah la sheegay in la siiyay Isbitaalka Banaadir, halka mid kale loogu yaboohay Maamulka Galmudug, kaasoo ilaa iyo hada la sheegayo inay qabyo tahay wareejintiisa, hase ahaatee arrinta muuqata ayaa ah in isbitaalka ugu mashquulka badan ee maalin walba qaabila dhaawacyada tira beelka noqday dagaalada Muqdisho ka soo gaara waxyeelada ee Madina Hosbital aan la siinin qalabkaas.

Qalabkan ayaa waxaa ku deeqday Dowladda Ruushka, iyadoo dalal Afrikaan ah laga iibiyay 5-ka mid ah qalabkaas Intensive Care, kaasoo laga bixiyay lacag gaareysa hal malyan iyo bar doolarka Mareykanka, sida ay Jowhar.com u xaqiijiyeen ilo wareedyo muhiim ah.

Sidoo kale fadeexadaha iminka soo shaac baxaya ee ay lugaha la gashay wasaarada Caafimaadka ayaa waxaa ka mid ah Daawooyin loo waday Gobolka Gedo oo si cad u iibsadeen Mas'uuliyiinta Wasaaradaas, kuwaasoo dhowaan lagu arkay Suuqyada daawooyinka.

Dowladaha Qadar, Imaaraadka Carabta iyo Turkiga ayaa dhowaan soo gaarsiiyay Dowladda Soomaaliya deeqo daawooyin ah, kaasoo loogu tala galay shacabka Soomaaliyed, hase ahaatee waxaa muuqaneysa in inta aan la gaarsiin shacabka ay iibsadeen Mas'uuliyiinta Wasaarada Caafimaadka.

Inkastoo Xukuumada Farmaajo horay ugu dhawaaqday inay ka hortagtay musuq maasuqa, ayaa hada waxaa si toos ah u soo shaac baxaya musuq maasuq baahsan oo ka socda qaar ka mid ah Wasaaradaheeda, iyadoo arrinta nasiib xumada ay tahay in qalabkii ugu muhiimsanaa ee Soomaaliya soo mara ay iibsadaan xubno ka tirsan Dowladda, oo aan haba yaraatee danta dalka iyo mida dadka aanay eegin.

http://www.jowhar.com/news.php?readmore=1395

User avatar
ciyaal_warta
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9629
Joined: Mon Jan 22, 2007 9:58 pm
Location: Hiiraan State of Somalia

Re: BREAKING NEWS: Farmaajo Asking For Money To Leave Post

Postby ciyaal_warta » Thu Jun 09, 2011 12:59 pm

this an old news like 4 weeks back u sxb...come up with something else :lol:

User avatar
zingii
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9937
Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.

Re: BREAKING NEWS: Farmaajo Asking For Money To Leave Post

Postby zingii » Thu Jun 09, 2011 1:03 pm

ateeshan jeclaa qofku. :|


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: Bing [Bot], nnjrewzas112 and 77 guests