Ra’iisul wasaare Farmaajo oo is casilay
Muqdisho: (Sh. M. Network) Warar si hoose ay u heshay Shabelle ayaa sheegaya in uu is casilay Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Farmaajo.
Sida Idaacada Shabelle ay u sheegeen ilo lagu kalsoonyahay oo ku sugan guriga Ra’iisul wasaaraha, waxaa xilkii Ra’iisul wasaaranimo ee dowladda KMG iska casilay Max’ed Cabdullaahi Farmaajo kadib kulan saacado badan qaatay oo manta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Kulanka oo la sheegay in ay wada qaateen Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Max’ed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa gaba gabadiisa la sheegay in la isku afgartay in la fuliyo heshiiskii lagu gaaray Magaalada Kampala sidaasina uu isku casilay Ra’iisul wasaarihii Xukuumada KMG Max’ed Cabdullaahi Farmaajo.
Ilaha wararkaani ay ka heshay Shabelle oo ay ka mid yihiin xildhibaano iyo masuuliyiin ka tirsan xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in goobta uu isku casilay Ra’iisul wasaare Farmaajo ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiin ka tirsan AMISOM oo uu ka mid tahay taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM Mr. Mugish
Wararka qaar ayaa tilmaamaya in Ra’iisul wasaare Max’ed Cabdullaahi uu cadaadis kala kulmay dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin wadamada safka hore iyo kuwa ciidamadu ay ka joogaan Soomaaliya.
Wali majiro wax war ah oo uu siiyay Saxaafada Max’ed Cabdullaahi Farmaajo oo ku aadan iscasilaadiisa hase ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in goordhow uu saxaafada la hadli doono islamarkaana uu ka hadli arintaasi



