
Addis’ Ababa: (Sh. M. Network) Bayaan kasoo baxay dowladda Ethiopia ayaa lagu sheegay in Ra’iisul wasaaraha dowladda Ethiopia Meles Zenawi uu taageersanyahay heshiiskii ka dhacay Magaalada Kampala ee Xarunta dalka Uganada halkasi oo ay ku heshiiyeen Madaxweynaha dowaldda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo gudoomiyaha barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Bayaanka aya waxaa lagu sheegay in dowladda Ethiopia ay taageersantahay in shir lagu qabto gudaha Magaalada Muqdisho halkaasi oo lagu dhex dhexaadinayo dhinacyada isku haya siyaasadda dalka Soomaaliya.
Warbixintaani kasoo baxday Madaxtooyada dalka Ethiopia ayaa waxaa si wayn loogu soo horjeestay banaanbaxyadii ka socday dalka Soomaaliya oo lagu taageerayay Ra’iisul wasaarihii Xukuumadda KMG Soomaaliya, waxaana bayaanka daaha looga qaaday in dibadbaxyadaasi uu soo qaban qaabiyay gudoomiyaha Maamulka gobolka Banadir ee dowladda KMG Soomaaliya.
Bayaankaani ayaa waxaa sidoo kale lagu shegay in dowladda Ethiopia ay garab taagan tahay had iyo jeer dowladda KMG Soomaaliya iyo Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM kuwaasi oo dagaallo xoogan kula jira Xarakada Al Shabaab.
Ugu dambeyn bayaanka ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay dilkii Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay u gaysteen Hoggaamiyihii Ururka Al-qaacidda ee bariga Afrika Fazuul Cabdalla taasi oo ay ku tilmaameen inay yaraynayso awoodda ay lahaayeen Xarakada Al Shabaab.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
NALA SOO XARIIR webmaster@shabelle.net






