Postby kismayogedojubaland » Mon Jun 27, 2011 10:13 pm
[youtube]HJCt862fb-I&feature=related[/youtube]
Calankii sareeyee
rabbigay na siiyee
lixdankii la saaroow
samahaaga calanyohow
waataan sanadda badan
sidka dhalay ku maaloo
dadka ugu saraynee
inkastoo sursuur iyo
salow iyo colaad iyo
mudo saxal ku soo maray
ma samrine sedkaygoow
rabbi waxaan ka sugayaa
sidaad beri ahayd iyo
sumacadaadi waa hore
ku soo noqoto sebenkaad
dayax guudkii saarayd
oo soomaali toostaa
gacmaha isa saaraan
oo sidigti maandeeq
sama loo wadaagaa
saatir aan ku mahadshoo
adoon siigo kugu ool
aan kaa eegto samadee
calanyohow surrow oo
weligaaba saarow
Aamiin, Aamiin,
rabbi saxarka kaa qaad
Sumaddaan lahaynoow
allow aadan siganoo
cadow layga kaa siin
sagal iyo daruuroow
sahan noo maqnaayoon
ku sugeyney khayr iyo
saadaal barwaaqoow
inkastoon samaanadan
siigaan sidoodii
salow yaacnay badankeen
ma samrine sedkaygoow
rabbi waxaan ka sugayaa
shacabkii salkacu galay
inay soo noqdaanoo
ay sabad barwaaqaa
Soorta ay wadaagaan
wixi soof la kala dhacay
laysu saamaxaayoo
sebigiyo agoomaha
sama loo daryeelaa
saatir aan ku mahadshoo
adoon siigo kuugu ool
kaa eegto samadee
calanyohow surroow oo
weligaaba saaroow
rabbi saxarka kaa qaad
Aamiin, Aamiin,
rabbi saxarka kaa qaad