AL Shabaab oo la sheegay
inay ishortaageen dad
abaaraysan
Kismaayo:
(Sh .
M.
Network)
Maamulka
Xarakada
Al
Shabaab
ee
gobolada
Jubooyinka
ayaa
lagu soo waramayaa inay is hortaag ku
sameeyeen dad abaaro ugu cararaya
Magaalada Kismaayo oo doonayay inay
gaaraan Xerooyinka ku yaala Kenya.
Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo
ee Xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa
waxaa ay sheegayan in Maamulka Al
Shabaab ee Magaaladaasi uu is hortaag
kusameeyay dad abaaro ugu barakacay
halkaasi oo u doonaayay inay gaaraan
Xerooyinka qaxootiga ah ee ku yaala
Kenya.
Sheekh Xasan Yacquul Cali oo ah
gudoomiyaha Xarakada Al Shabaab ee
Magaalada Kismaayo oo ka hadlayay mid
ka mid ah Masaajidda ku yaala
Magaaladaasi ayaa waxaa uu uga digay
qoysaska barakacayaasha ah ee abaaraysan
inay u gaaraan Xerooyinka ku yaalla Kenya,
isagoo shaaca ka qaaday in ciddii
amaradaasi kasoo horjeesata ay ka Maamul
ahaan talaabo ka qaadi doonaan sida uu
hadalka u dhigay.
Dhowaan ayay aheyd markii Maamulka
Xarakada Al Shabaab ee gobolka Sh/hoose
ay is hortaag ku sameeyeen dhowr gawaari
oo siday dad abaaraysan oo doonayay inay
ku biiraan barakacayaasha iminka ku nool
degmooyinka ay Maamusho dowladda
KMG ah Soomaaliya ee gobolka Banaadir.



