Postby XimanJaale » Sun Jul 24, 2011 10:50 am
Weerarradii ka dhacay dalka Nowray ee uu geystay nin la sheegay inuu neceb yahay ajnabiga oo 32-jir ah ayaa dadkii ku dhintay waxaa ka mid ahaa wiil wiil Soomaaliyeed oo ka tirsanaa dhallinyarad taageersan xisbiga talada dalkaas haya, waxaana sidoo kale la la'yahay gabar Soomaaliyeed.
Ismaaciil Xaaji Axmed oo 20-jir ahaa ayaa ku dhintay weerarkaas, isagoo ka mid ahaa 85-ruux oo dhallinyaro ah kuwaasoo ku dhintay weerarkii ka dhacay jasiirada Utoya oo dhinaca galbeed kaga beegan 40-km magaalada Oslo ee dalka Norway.
Wiilkan dhintay ayaa waxaa la socday saddex waalihiis ah, wuxuuna mid ka mid ah oo la socday uu sheegay inuu arkayay walaalkiis oo la tooganayo, isagoo xusay in isaga iyo laba kale oo walaalihiisa ay badda isku tuureen si ay u badbaadaan.
Gabadha la la'yahay oo lagu magacaabo Muna Cabdi-Nuur oo 19-jir ahayd ayaa ka mid ahayd dad badan oo isku tuuray badda, waxaana sida ay booliiska sheegayaan la maqan saddex ruux oo kale.
Weerradan ayaa waxaa guud ahaan ku dhintay 92-qof, iyadoo ninka geystay oo lagu magacaabo Anders Behring Breivik la sheegay inuu yahay nin neceb dadka ajnabiga ah ee dalkaas ku nool.
Booliiska Norway ayaa sheegay in weerarkii hore oo ka dhacay xafiisyada ay Oslo ku leeyihiin ra'iisul wasaaraha iyo wasiirrada dalkaas ay ku dhintay toddoba qof, halka weerarka ka dhacay jasiiradda lagu dilay 85-qof, kuwaasoo ka mid dhalinyaro 500 ah oo ka tirsan xisbiga talada dalkaas haya.
Ilaahi haa uu naxristo to our brother Ismail, and may allah bring back Muna with health amiin