Odhaah yada aan aadka u jeclahay ayaa waxaa ka mid ah middan ah "Aaway Gaadhi Faras?"
Waa hore ayaa waxaa la yidhi" Haweeney reer Laas-Caanood ah ayaa tegtey Cadan. Waagaas waxaa baabuur ay reer Cadmeedku ka dhigan jireen gaadhi faras. Haweyneydii aad bay ugu bogtey gaadhi faraskii.
Markii ay maqnayd hal bil keliya ayey kusoo noqotey Las-Caanood, markaasay intey is dhex taagtey suuqii Las-Caanood tidhi" Aaway gaadhi Faras?"
Mid ag taagnaa oo naagta yaqaanay, aadna uga yaabay is yeelyeelkeeda ayaa ugu jawaabay " Saad ma ku ogeyd"!!!
Hadda qaar inaga mid ah ayaan odhan doona ii micneeya af Somaaliga!! Cajibtu shiikhow!!!!



