Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Tartanka quraanka in Somaliland

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Coeus
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11709
Joined: Fri Nov 19, 2010 6:59 pm
Location: Assisting the Mujahideen in Galgala to free their region

Tartanka quraanka in Somaliland

Postby Coeus » Wed Aug 10, 2011 12:49 pm

Tartanka Quraan-Akhriska Somaliland oo lasoo geba-gabeeyay iyo ardaydii kaalmaha hore gashay (SAWIRRO)

Image

Tartankii Quraan-Akhriska ee guud ahaan Gobollada Somaliland oo ka socday Masjidka Cali Mataan ee Magaalada Hargeisa, ayaa la soo gebogebeeyay, isla markaana abaal-marino kala duwan la guddoonsiiyay ciddii kaalmaha hore gashay.

Tartankan oo sanadle ah, isla markaana Ramadaan kasta lagu qabto Magaalada Hargeisa, waxa soo qaban-qaabiya Culimo reer Somaliland. Waxaana tartankan oo ahaa kii 19-aad ee qabsooma ka qayb-galay Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sh. Khaliil Cabdillaahi Axmed, Sh. Maxmed Sh Cumar Dirir, Sh. Maxmed Aadan Muxumed, Sheekh Maxamed Cali Gadhle, Sheekh Cabdiraxmaan Axmed, Culimo tirro badan iyo kumanaan dadweyne ah. "Runtii, waxaan halkan sanadkii hore ka ballan-qaaday in aanu anagu ka-Wasaarad ahaan tartanka qabano, SUBXAANA LAAH, nooma ay suuroobin, arinkaasina riyo ayuun buu ahaa. Waxaan ILaAHAY ka rejaynayaa inuu ka dhabayn doono," sidaa waxa yidhi Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo ka hadlay gebogebadii tartanka.

Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre (Ismaciil Dheeg) oo ka mida Gudidda qaban-qaabada ee Tartankaasi oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in tartankani ay soo qabanayeen ilaa 19 sanadood ee ugu dambeeyey, isaga oo soo maray marxadao kala duwan. Waxaanu sheekhu u mahad-celiyay Shirkadda Dahabshiil oo uu sheegay inay 13-kii sanno ee u dambeeyay maalgelisay tartanka Quraan-akhriska. "Ujeedooyinka ugu waaweyn ee aanu tartankan u qabano sanad walba waxa ugu muhiimsan dhawr qodob oo kala ah; sidii loo noolayn lahaa Quraanka Kariimka ah iyo sidii loo soo bandhigi lahaa sida ay dhalinyaradeenu Quraanka u baratay, una qaybtay, tan ugu mihiimsanina waxa weyeeye sidii loo soo saari lahaa Ducaaddii ama culimaddii barito anaga na badali lahayd," ayuu yidhi Sheekh Ismaaciil-Dheeg oo ka hadlayay ujeedooyinka tartanka.

Najiintada Aradayda iyo sida ay kaalmahaasi u kala galeen ayaa waxa ku dhawaaqay Sheekh Maxmed Aadan Muxumed oo ka mid ahaa Gudidda qabanqaabada tartankaasi uu sheegay inay aradayda shanadkan tartanka ka soo qayb galeen ay Ahaayeen 61 arday, iyada oo 32 ka mid ahi ay u tartamayeen 30 Jus ee Quraanka, halka 30 Ardayee kalena ay u tartamayeen 15 Jus oo ka mida Kitaabka Quraanka.

Image

Ardayda kaalmaha hore ka gashay Xifdiga 30 Jus ee Qur'aanka:

Kaalinta 1-aad: Sharmaárke Saciid Nuur oo ka socday Gobolka Maroodi-jeex, waxa la Gudoonsiiyey Kitaab Quraan ah, Qalin Akhrinaya kitaabka, Hadyad, Shahaado iyo Lacag Dhan $700 oo Dollar.

Kaalinta 2-aad: Shucayb Ismaaciil Cabdi oo ka socday Gobolka Maroodijeex, waxa la Guddoonsiiyey Hadyado kala duwan iyo Lacag Dhan $500 oo Dollar.

Kaalinta Saddexaad: Axmed Maxmed Ducaale waxa la guddoonsiiyey Shahaado, Hadyad iyo Lacag Dhan $400oo Dollar.

Kaalinta Afaraad : Jaabir Sheekh Maxmed Cabdi oo ka socday Gobolka Sanaag waxa la gudoosiiyey Shahaado, Hadyad iyo Lacag Dhan $350 Dollar.

Kaalinta Shanaad: Cabdiraxmaan Cali oo ka socday Gobolka Awdal waxa la gudoonsiiyey Shahaado, Hadyad iyo Lacag Dhan $300 oo Dollar.

Ardayda kaalmaha hore ka gashay Xifdiga 15ka Jus ee Qur'aanka:

Kaalinta 1-aad: Mubaarig Khaliif Yuusuf oo ka socday Gobolka Maroodijeex waxa la gudoonsiiyey Sharaado, Hadyad, Kitaab uu Qalin akhrinayo iyo Lacag Dhan $350 oo Dollar.

Kaalinta 2-aad: Yaxye Axmed Xasan oo ka socday Gobolka Sanaag waxa la gudoonsiiyey Shahaado, Hadyad iyo Lacag Dhan $300 oo Dollar.

Kaalinta 3-aad: Axmed Maxamed Axmed oo ka socday Gobolka Saaxil, waxa la Guddoonsiiyey Shaado, Hadyad iyo Lacag Dhan $250 oo Dollar.

Image
Image
Image

User avatar
abdalla11
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8228
Joined: Mon Aug 03, 2009 9:43 pm
Location: If you got mooryaan problems if feel for you son, i got 99 problems and a southie aint one

Re: Tartanka quraanka in Somaliland

Postby abdalla11 » Wed Aug 10, 2011 12:56 pm

Isn't there audio? I want to hear his recitations

quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: Tartanka quraanka in Somaliland

Postby quark » Wed Aug 10, 2011 12:59 pm

mashallah :up:

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Tartanka quraanka in Somaliland

Postby The_Emperior5 » Wed Aug 10, 2011 1:07 pm

Mashallah :up:

User avatar
OliveOil
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7678
Joined: Thu Feb 11, 2010 3:07 am
Location: I walk this empty street on the Boulevard of Broken Dreams

Re: Tartanka quraanka in Somaliland

Postby OliveOil » Wed Aug 10, 2011 1:14 pm

MashAllah that is beautiful! :up:

User avatar
ciyaal_warta
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9629
Joined: Mon Jan 22, 2007 9:58 pm
Location: Hiiraan State of Somalia

Re: Tartanka quraanka in Somaliland

Postby ciyaal_warta » Wed Aug 10, 2011 1:35 pm

mashallah ilaahey ha u siyaadiyo

i want to hear their tilah..somebody post the audio or video

Alchemist
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6857
Joined: Tue Sep 04, 2007 9:52 pm
Location: DPJUGFDRTG

Re: Tartanka quraanka in Somaliland

Postby Alchemist » Wed Aug 10, 2011 1:49 pm

Mashallah indeed..

User avatar
Coeus
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11709
Joined: Fri Nov 19, 2010 6:59 pm
Location: Assisting the Mujahideen in Galgala to free their region

Re: Tartanka quraanka in Somaliland

Postby Coeus » Wed Aug 10, 2011 1:52 pm

A democratic adminstration. With a religious, but tolerant citizents :up:

Mashallah hope to see this in the south when the fitna is gone :up:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: nnjrewzas112 and 14 guests