Waftiga madaxweynahu waxa ay gaadheen guulo balaadhan, guulahaas oo ay iyaga iyo dawlada shiinuhu iyo weliba Ethiopia isku afgarteen iskaashi dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha iyo ganacsiga ah, isga oo afhayeenka madax tooyadu sii faah faahinaaya heshiisyada la gaadhayna waxa uu yidhi
Heshiiska sadex goosoodka ahana waxa ka mid ah in gaasta Ethiopia laga dhoofiyo dekeda Berbera, isla markaana wadanka shiinuhu gacan ka gaysto sidii loo samayn lahaa dhuumihii qaadi lahaa gaasta Ethiopia ee gaadhsiin lahaa Dekeda berbera.
Dhanka kalena waxa jira qorshayaal qarsoon oo aan loo soo bandhigin dadweynaha oo ay ka mid yihiin kuwo gaar ah oo sidii macdanta dalka loogu iib gayn lahaa dalka shiinaha iyo sidii heshiisyo qarsoodi ah oo aan waafqsanmayn dasytuurka loo soo hir gashan lahaa
ALLAA MAHAD LEH
Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.