Postby The_Emperior5 » Mon Aug 22, 2011 6:37 am
Gudoomiye ku xigeenka barlamanka Kenya oo booqday Dhooblay
Dhooblay: (Sh. M. Network) Gudoomiye ku xigeenka barlamanka dowladda Kenya ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Dhooblay ee gobolka Jubada hoose, isagoo kulamo la qaatay Saraakiisha dowladda iyo Raas kanbooni ee halkaasi gacanta ku haya.
Faarax Maclin oo ah Gudoomiye ku xigeenka barlamanka dowladda Kenya ayaa waxa uu maanta booqday magaalada Dhooblay ee gobolka Jubada hoose halkaasi oo ay isku soo dhaweeyeen Mas’uuliyiinta dowladda iyo Raas kanbooni ee gacanta ku haya degmadaasi.
Gudoomiye ku xigeenka barlamanka Kenya ayaa markii uu gaaray magaaladaasi waxa uu kulamo la qaatay Mas’uuliyiinta dowladda iyo Raas kanbooni ee degmadaasi kuwaasi oo la sheegay inuu kala hadlay xalinta qilaaf u dhaxeeya oo aan la ogeyn waxa uu salka ku hayo.
Warku waxa uu intaasi ku daraa in kulankaasi kadib Gudoomiye ku xigeenka uu booqday Isbitaal ay ku jiraan ciidamo ka tirsan dowladda oo ku dhaawacmay dagaaladii ay la galeen Xarakada Al Shabaab markii ay magaaladaasi qabsanayeen, isagoo walaac ka muujiyay xaaladda askartaasi oo uu sheegay inay wax ka qabanayaan.
Booqashada maanta uu ku tagay Goodoomiye ku xigeenka barlamanka Kenya magaalada Dhooblaye ee gobolka Jubada hoose ayaa waxa ay imaanesaa xili degmadaasi laga saaray Xarakada Al Shabaab oo gacanta ay u gashay dowladda iyo Raas kanbooni