On SNTV and
Shariif Sh. Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday hey’adda Qaxootiga adduunka ee UNHCR oo maanta muqdisho soon gaaray.
kulankan uu madaxweynuhu la yeesjhay wafdiga ka socday hey’adda UNHCR ayaa looaga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu muhuiimsantahay xiriirka dowlada KMG ah iyo UNHCR iyo sidii ay hey’addaasi xafiis uga furan laheyd Muqdisho.
wafdigan la kulmay madaxweynaha ayaa waxaa hogaaminayay wakiilka hay’ada UNHCR ee geeska Africa.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya mudane Sh Shariif Sh Axmed ayaa uga mahadceliyay booqashada ay wafdigan ka socda hey’addaasi ku yimaadeen Magaalada Muqdisho isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in ay kaalmo bani’aadanimo u fudin doonto qaxootiga Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan.
gabagabadii kulanka ayaa waxaa warbaahinta qaranka soomaaliyeed lahadlay R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka arimaha dibadda xukuumada KMG ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim oo ka warbixiyay kulanka uu maanta madaxweynaha dalka la qaatay wafdiga ka socday hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga.
wafdiga ayaa la filayaa in ay booqdaan xiryaha ay kujiraan dadka barakacayaasha ah saacadaha ina soo adan iyadoo sidoo kale la filayo booqashadooda kadib in ay dib ugu laabtaan xarunta dalka Kenya ee Nairobi
http://www.duhur.com/mweyne-sharif-oo-q ... cda-unhcr/