Axad, September 04, 2011 (HOL) - Iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay soo badanayeen dadka barakacayaasha ah ee ku sugan xerada Aala-Yasir oo ku taalla duleedka garoonka N0.50 ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa sidoo kale isi soo tarayay gurmadka ay qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed u fidinayaan dadkaas barakacayaasha ah ee ay abaartu ku habsatay.
Gellinkii dambe ee shalay oo Sabti ahayd ayaa kolonyo gaadiid ah oo ay wateen saraakiil iyo ciidamo ka tirsan milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay gaareen xerada Aala-Yaasir, iyagoo halkaas ka qaybiyay deeq gargaar ah oo ay ugu talagaleen inay ku caawiyaan dadka barakacayaasha ah, gaar ahaan caruurta oo ah kuwa ugu nugul ee ay abaartu saamaysay.
Kolonyada gaadiidka ah oo isugu jiray kuwa xamuul ah oo ay deeqdu ku rarnayd iyo kuwo yar-yar oo u badan tiknikada ciidamada ayaa markoodii hore ka ambabaxay deegaanka Lafoole, iyagoo socod ku maray wadada dheer ee isku xirta degmada Afgooye ilaa deegaanka No.50.
Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Al-shabaab oo goobta ay qaybintu ka socotay warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in deeqdan ay ugu talo-galeen caruurta barakacayaasha ah ee ku jira xerada Aala-Yaasir ay ka kooban tahay caano gasacadaysan, timir, buskudka nafaqaysan iyo macmacaan kale oo fara badan, ayna u qoondeeyeen inay ka faa’iideystaan 10,000 "Toban kun" oo curuur ah.
Sidoo kale, sarkaalku wuxuu sheegay in ciidamadoodu aysan ilowsanayn dhibaatada haysata baracayaasha, wuxuuna balanqaaday inay sidan oo kale marar fara badan ugu soo noq-noqon doonaan xerada Aala-Yaasir iyo xeryaha kale ee ay ku jiraan dadka barakacayaasha ah si ay uga qayb-qaataan gurmadka loo fidinayo.
Ugu dambeyn, mas'uuliyiinta xerada Aala-Yasir iyo waalidiinta caruurta ayaa uga mahadceliyay ciidamada Al-shabaab deeqaha ay xerada soo gaarsiiyeen iyagoona ALLE uga baryay inuu ka abaal mariyo farxada ay ku beereen wajiyada caruurta yar-yar ee xerada ku jirta.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online



