Muqdisho: (Sh. M. Network) Taliska ciidamada Milatariga dowladda KMG ayaa waxa uu sheegay inay gacanta ku dhigeen waxyaabo qarxa kadib howgal ay ka sameeyeen degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.
Afhayeenka ciidamada Milatariga dowladda KMG Soomaaliya Aadan Kaalmooy Dhaqane oo Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu soo bandhigay miinooyin iyo waxyaabo kale oo qarxa oo ay kasoo qabteen xaafado ka tirsan degmada Boondheere gaar ahaan Isgoyska degmadaasi.
Kaalmooy ayaa waxa uu sheegay in miinooyinkaani ay ahaayeen kuwa laga sameeyay waxyaabo kala duwan oo lagu aasay mid ka mid ah wado dhinaceeda halka kuwa kalana uu sheegay in ciidanka Milatariga ay kasoo saareen guri ay ku jireen kadib markii sida uu sheegay lagu soo wargaliyay goobta ay yaaleen miinooyinkaasi.
Afhayeenka Ciidamada Milatariga dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxa uu sidoo kale uga digay shacabka inay ku deg degaan goobaha ay ku arkaan miinooyinka, waxaana uu sheegay in qofkii arka waxyaabaha qarxa ay kusoo wargaliyaan ciidamada qalabka sida si looga badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed.
Degmada Boondheere ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay ka mid tahay goobihii ay baneeyeen Al Shabaab, waxaana Saraakiisha ciidamada dowladda ay horay uga digeen inay shacabka ku deg degaan goobahaasi oo Saraakiisha ay sheegeen inay dhibaato kala kulmi karaan.




