Hay' ad Soomaaliyeed oo ka dhisan Hague
(Nederland ) ayaa lagu eedeeyey lunsashada
lacago loo uruuriyey abaaraha K/ Soomaaliya
(Warbixin iyo sawirro) :
C/ fitaax Siciid Jaamac oo ka mid ah
aqoonyahanada Soomaaliyeed ee degan
magaalada Hauge ee wadanka Holland
ayaa eedeyn u jeediyey mid ka mid ah
hay'adaha Soomaalida ah ee ka dhisan
magaaladaasi, oo uu ku eedeeyey in
ilaa hadda aysan ogeyn halka ay
martay lacago ku dhow boqol kun
dollar oo laga soo uruuriyey qaar ka
mid ah Soomaalida degan magaaladaasi
iyo lacago gaaraya 51 kun Euro oo ay
ku deeqday safaarada dowladda
Turkigu ku leedahay Holland,
lacagahaasoo loogu talogalay in loo diro
qaxootiga Soomaaliyeed ee ku
dhibaateysan gobolada K/ Soomaaliya
ee ay abaaruhu ku dhufteen.
Waxaa intii muddo aheyd ka soconayey
magaalada Hague lacago qaaraan ah oo
loo uruurinayey abaarta ku habsatay
gobolada K/ Soomaaliya, gurmadkaasi
waxa uu soconayey ilaa bishii
Ramadaan waxaana ka soo qeybgalay
inta badan Soomaalida degan
magaaladaasi. sidoo kale qeyb libaax
waxaa ka qaatay safaarada dowladda
Turkiga ay ku leedahay Holland oo ku
deeqday lacag dhan 51KunEuro, dadkii
Soomaaliyeed ee ka qeybgalay deeq
uruurintaas waxey in muddo ah ka
dhursugayeen in ay ogaadaan halka
lacagtaasi ay martay, waxaana
howshaasi abaabulkeeda wax ku lahaa
dhalinyaro Soomaaliyeed oo runtii
juhdi badan geliyey sidii ay
walaalahooda Soomaaliyeed ula
qeybsan lahaayeen xanuunka abaarta,
waxaana lacagtaasi lagu wareejiyey,
intii uruurinteedu socotayna ka
qeybqaatay agaasimaha hay’ adda
samafalka iyo horumarinta NEDSOM
Guuleed Yuusuf Axmed oo loo xilsaaray
in hay’adiisu ay lacagtaasi gaarsiiso
dadka ku jira xerooyinka qaxootiga ee
gobolada K/ Soomaaliya, maadaama
hay’adiisu ay tahay mid haysto shati
hay’adeed hasse ahaatee waxaa nasiib
darro noqotay in Guuleed Yuusuf uu
qorsheynayo inuu lacagtaasi u weeciyo
dariiq aan aheyn kii loogu talogalay,
waxaana taasi cadeyn u ah wareysi uu
siiyey idaacadda VOA-da laanteeda Af-
Soomaaliga oo uu ku sheegay in
lacagtaasi ay geynayaan deegaano aan
aheyn gobolada ay abaaruhu ka jiraan,
oo ay doonayaan in ay ceelal uga
qodaan deegaanada Puntland,
arrintaasina waxey nagu noqotay
fajaciso, haddii uu ku dhiirado inuu ka
dhabeeyana waxey arrintaasi horseedi
doontaa fadeexad keenta in aanan wax
kalsooni ah lagu qabi doonaan urur
ama hay’ad Soomaaliyeed oo dambe”
ayuu yiri C/fitaac Siciid Jaamac,
wuxuuna xusay in Soomaalida gaar
ahaa ururada Soomaalida ee ka dhisan
Holland ay yihiin kuwa ka tarjumo
dano beeleed mutaxan, wuxuuna
xusay in dadkii lacagahaasi soo
uruuriyey ay ku qaldameen in
lacagtaasi loo wakiisho hay’adda
NEDSOM oo ah hay’ad ka shaqeysa oo
keliya deegaanada Puntland, wuxuuna
intaa ku daray in ay jiraan Soomaali
fara badan oo ururo iyo hay’ ado
beenaad ah u sameystay sidii ay jeebka
ugu shuban lahaayeen lacagaha ay
hay’adaha samafalka ugu deeqaan
Soomaalida
“Dadkii ka qeybgalay uruurinta
lacagahaasi waxey la socon doonaan
halka ay ku baxdo lacagtaasi, haddii ay
isku dayaan ururka NEDSOM in ay
lacagtaasi ku bixiyaan wado kale
waxaan la tiigsan doonaa sharciga”
ayuu yiri C/fitaax .
How can a person commit such shameful crime?