hir-weyne loogu magac daray "Somali Hope Confrence" oo Oslo ka dhacay
Oslo, Norway (Calanka.com) - 12 - Sebtember -2011
Shir-weyne aad loo soo agaasimay islamarkaana loogu magac daray "SOMALI HOPE CONFRENCE" ayaa galabnimadii Sabtida lagu qabtay caasimadda dalka Norway ee Oslo.
Dadweyne kor u dhaafaya ilaa 1500 ayaa ka soo qeyb-galay shirkan oo ay soo qaban qaabiyeen ururka DARYEEL ee ka dhisan dalka Norway islamarkaana fadhigiisu yahay caasimadda Oslo.
DAAWO FILMKA:
Waxaa ka soo qeyb galay shirkan ra`iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo, farshaxaniista caanka ah ee soomaaliyeed mudane Amiin Caamir, aqoonyahanno, waxgarad, odayaal iyo haween ka kala yimid gudaha dalka Norway iyo dibadiisaba.
Fanaaniinta Soomaaliyeed kuwooda magaca leh ayaanan iyana meesha ka maqneyn, waxaana goob-joog ahaa fanaanka caanka ah Bashiir Cali Xuseen, fanaanadda Saado Cali, kooxda Qeylodhaan iyo waliba abwaano uu ka mid yahay Cabdi Shire Jaama "Ciyaar jecel" iyo dumar buraanburo.
Shirkan ayaa looga hadlay arrimo khuseeya xalka iyo muqstaqbalka Soomaaliya, iyadoona uu khudbad dheer ka jeediyay ra`iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo taas oo ku aadan xogtiisa Soomaaliya iyo waxqabadka xukuumaddiisii lixda bilood jirtay.
Ugu dambeyn bulshaweynta soomaaliyeed ayaa shirkan si toos ah ugala socotay taleefishinka UNIVERSAL, iyadoona ay sidoo kale goob joog ahaayeen warbaahinta shisheeye sida Al-Jazeera.
Waa markii ugu horesay oo shir heerkan oo kale ah soomaali ku qabsato caasimadda dalka Norway ee Oslo.
Sawir/Film qaade
DEEQ C/LAAHI
deeqow25@hotmail.com
Wariye
C/fitaax "Lajeclow"
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
Echo 101 Items
Admin
shaamil
asalaamu calaykum
maan sha allaah shirka Norwey iyo dhamaan rer Norwey waxaan ula jeedaa somaalida carigaa ku ku nool waxaad muujiseen raja soomalia maadama aad soo qaban qaabiseen shirweynahan
aad ka loosoo agaasimay waxaan idin leeyahay midooba idin koo isu qalbi furan
waxaa aad wax loogu farxo ah in aqoon yahano aad u magac dheer ay ka soo qayb galeen shirka
ugu horayo ra`iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo
waa hor mar ku dayasho mudan oo looga anaba qaadayo xal uhelida soomalia
Today, 05:17:08 – Like – Reply
somalilander
somaaliya waxaan urajaynayaa nabad iyo dawladnimo iyo cadaalad iyo barwaaqo in eebe siiyo waxaana ka codsanayaa dadka soomalida ah inay iska dhaafaan marka ay ka hadlayaan midnimada soomaliya inay ka sheqeeyaan xaasidnimada dadka reer soomaliland reer soomaliland waa dad walaalihiin ah waxayna xoriyaooda qaateen ka hor 1 lulye mana jirin cid ku qasabtay inay wax ku darsadaan soomaaliya hadana iyaka ayaa go aansaday inay aayahooda ka tashadaan markaa fadlan barta taariiqda soomalida iyo soomaaliya waxaadna ogaataan
60 lixdankii kahora waligood dadka soomaaliyeed maamul ka dhexeeya iaanay isuguma iman markaa waxaan midoobaynaa marka ay midoobaan wadamada carabiga ku hadla ama ay midoobaan wadamad islaamka oo dhan waxaan midoobaynaa marka ay isla gartaan inay midoobi karaan shantii soomaliya laakiin inta ka horaysa ilama aha aniga in midnimo laga hadlo
Today, 13:32:12 – Like – Reply
Shaarka
Somaliland wax la yiraa ma jirto. Cid idin aqoonsaneeysana ma jirto. Ama Dad Riyo ku nool ah iska ahaada ilaa Maalinta Qiyaamaha ama Soomaaliya wax la qeeybsada awoowe. Calaacal meesha looma baahnee. kkkkkkkk
Today, 14:39:28 – Like – Reply
Shaarka
Meeshaan Majeerteen lee ka maqan. Magaca Farmaajo maba maqli karaan. Ileen waa Dad Buufis Qabiil qabee.
Today, 14:49:00 – Like – Reply
Liked byGuest
sahra
shaarka maxaa kaa qaldan malina hawiye tageer malin marexaan caadi ma tihid hal maalin oo aad tageerto ama aad afkaa ka deyso majerteen ma lawaayey ceyda majerteen baa ka adkaatay oo qura. walaalo ma hal MJ ah ayaa bacdii madoobeed banaanka kuu dhigtay wa sidee. ka hadal mowduuca webka lagu qoray ra'yigaaga ka dhiibo iskadaa MJ waqtiga yeysan kaa lumin ceydu iyo aflagaadadu waa waqti lumis oo qura. lakiin kan somalilader ah maxuu isna kuu dhimay war shaarka iskadaa cidaa meyshaan rabaan ha ka baxaane dhulka hostiisa ha galaan hadey rabaane. lakiin wax kale aan ku weydiiye adiga qalbigaga ma labaaray oo qabiil ma laga baaray
Today, 15:12:30 – Like – Reply
waa runta sxb
salan sare
Today, 15:52:45 – Like – Reply
cali
dad waa hore damiir iyo diin ahaan u bakhtiyay baa ka muuqda meesha uf uf
Today, 20:15:50 – Like – Reply
puntland boy
maanshaa alaah waa wax lagu farxu shirwaynaha norway ee ay isugu yimaadeen dad wada wadani yiin ah sida farmaajo oo kale ah waa guul somali usoo hoyatay
Today, 05:25:04 – Like – Reply
samatar89
bismilahi dadka foolxumo badanaa ma hawiye baa isku yimid oo shirka wata saado ssc mana matasho lacagbey u timid meesha...
Today, 05:27:16 – Like – Reply
ZACIIM...
SAMATAR
WAXAAN FILAYAA ADIGU WAXAA TAHAY BAAN UMALEYNAYAA NIN QANDARAASLE KU XILDHEERAADAY BUR BURKA IYO KALA FOGEYNTA SOMALIDA IN AAD XOOGAA JEEBKA LAGUGU SOO SHUBO OO LAGU YIRAAHDO SOMALIDA KA SHAQEE SIDII LOO KALA FOGEYN LAHAA ...
ADIGII MEESHAAN RAAR ISKA DHAMAATAY OO SOMALIYADU KU DHEERTAHAY IYO ISLAN NIMADUBA AAD CAAYEYSO ... WAA CEEB EE ISKU XISHOO AFKAAGANA SAMEYSO ..
ADIGUBA SOMALI BAAD TAHAY HADII AY SIDAA AAD KUMATASHAY ADIGUBA JANSIYADOODA AYAAD QABTAA MARKA IN ADIGOO SOMALIYA AAD QOF WALAALKAA CAYDO WAA CAQLI AAD ULIITA OO AAN KA QABAN QOF MUWAADINA IN UU WAXAA KU HADLO EE WALAAL QANDARAAS KAAGA IYO FITAN TAADA KADAA DADKA SOMALI NIMADU KU DHEERTAHAY..
MEESHA DAD SOOMAALINIMADU KU DHEERTAHAY AYAA ISUGU YIMID EE QABIIL MA UUSAN IMAAN... ADIGUNA SOMALI UN BAAD TAHAY MARKA JOOJI CADAAWADA WALAAL...
Today, 10:43:47 – Like – Reply
sahra
war maxaa idinkoo dhan ugu jesateen samatar shaarka lama argo miyaa mise isagu waa nin wacan oo ma qaldana wa sidee ileen MJ buu wax ka sheegi miyaa. umadyahay qabiil ha la foogeyo wixii khaldan ha la qabto yaan leys xigsan tan waa waxa somali burburiyay in leys xigsado xaq ma aha soomaali waa soomaali
Today, 15:20:57 – Like – Reply
geesi
Fadlan hada kadib hala yaso oo yaan loo jawaabin kuwa sharka jecel ee sheydaanka nacalada ALLE ku dhaday u shaqeeya. maah-maah baa waxay oraneysaa doqon aamu baa loogu jawaabaa. wa biLAAHI towfiiq
Today, 11:49:39 – Like – Reply
HAADI AL AMIIN 45 .
geesi - MAASHAA ALLAAH WARKAAGI WAA RUN SAXNE WEEYE DIINTANE SIDAAS AYEEY QABTO SIDA -
DOQONKA samatar 89 - LA BAXAY OO KALE IN LOO JAWAABOW MA AHA IN LAGA AAMUUSO AYAA DIINTA
QABTO, WAA XAYAWAAN XAYAWAANNE WAXBA LOOMA JAWAABOW EE WAA LAGA AAMUUSAA .
Today, 14:07:00 – Like – Reply
Muqdishaawi
Maac maac horaa loo yiri doqoni dad maaha dadna wax uma ogola ileen afkaygaa qoyan waa loo hadli karaa
Today, 15:42:10 – Like – Reply
nuune
ilaahoow soomaali kaqaad dhibka haysta aad baan utageereeynaaa shirka oslo
Today, 05:33:06 – Like – Reply
< Prev123…67Next >
Social Networking by Echo
Login
Share
This Page
Follow
©2006-2011 Calanka.com waa qeyb ka mid ah CALANKA MEDIA.
Kor ku laabo :::: Nagu xayeysiiso ganacsigaaga :::: Nala soo xiriir :::: Annaga
Waa mamnuuc in la isticmaalo ama la qaato macluumaadka ku jira boggan, amar la`aan.
403
http://www.calanka.com/warka/article2247.htm