Madaxweynaha dowlada goboleedka Udubland State Mr. Ibrahim Cabdulahi Caddow ayaa waxaa uu booqasho rasmi ah ku imaandoonaa dalka Sweden gaar ahaan magaalada caasimada ah ee Stockholm 21ka bishan Sebtember 2011.
Booqashada madaxweyne Caddow oo ay ku wehliyaan saraakiil sar sare oo ka mid ah Dowlada Goboleedka Udubland State ayaa waxaa diirada lagu saaridoonaa kulamo xiriir ah dhidibada loogu aasayo xiriir iskaashi oo dhinacyo badan leh oo dhexmara Dowlada sweden iyo Udubland State.
Booqashada Madaxweynaha Udubland iyo wafdigiisa oo qaadandoonta mudo 3 maalmood ah ayaa waxaa shirar kala duwan ay layeelandoonaan xubno sar sare oo ka tirsan wasaaradaha Arimaha Dibada, Huraminta iyo Iskaashiga Caalamiga iyo Hay´ada Humarinta Caalamiga ee Dalka Sweden. Waxaa sidoo kale Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ay kulan laqaadandoonaan hay´ado kala duwan oo isugu jira kuwo dowli ah iyo kuwo aan dowli aheyn oo ka jira dalka Sweden iyadoo kulamadoodana diirada lagu saaridoono iskaashi dhinaca Bani´aadanimada iyo horumarinta oo dhex mara Dowlada Goboleedka Udubland iyo Hay´adahaasi.
Madaxweynaha Udubland iyo wafdigiisu waxaa sidoo kale aybooqandoonaan xarunta Baarlamaanka dalka Sweden oo kulan ay kula qaadandoonaan xubno iyo gudiyo hoosaadyo kala duwan oo uu leeyahay Baarlamaanka dalka Sweden.
Madaxweynaha Udubland waxaa sidoo kale uu kilamo balaaran la yeelandoonaa jaaliyada Udubland ee dalka Sweden iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Sweden isagoo kaga warbixindoonaa dadaalaada ay dowladiisu ugu jirto xasilinta deenada Udubland iyo sidookale ka shaqeynta xal u helida arimaha cakiran ee Soomaaliya.
Waa booqashadii labaad ee dalka Sweden uu ku yimaado madaxweynaha dowlada goboleedka Udubland iyadoo booqashadii hore ee Madaxweynaha ay ku aadanayd la kulanka jaaliyada balaaran ee maamul goboleedka Udubland ka soo jeeda ee ku nool dalkaas iyo sidii ay door muhiim ah uga qaadan lahaayeen nabadeynta iyo horumarinta deeganada maamul goboleedka Udubland.
info@udubland.com