Roobabka dayrta ee xilligan oo la sheegay inay intii hore ka badan doonaan iyo hay'ado ka digay khatar cusub
Khamiis, September 22, 2011 (HOL) — Roobabka la filayo xilliga dayrta ee sanadkan ayaa la sheegayaa inay intii hore ka badan doonaan, iyadoo 20 hay'adood oo kuwa gargaarka ah ay digniino ka bixinayaan inay dilaacaan cudurro khatar ah iyo iyadoo ay dhici karto in dadkii macluushu saameysay ay roobabkaas khatar kale geliyaan.
Hay'adahan waxay ku taliyeen in gargaarka la siinayo dadka abaaruhu sameeyeen la kordhiyo, si ay roobabku saameyn xooggan ugu yeelan boqolaalka kun ee qof ee macluusha la daalaa-dhacaya. Tobanaan kun oo caruur ah iyo dad kale oo waaweyn ayaa horay ugu dhintay gaajo.
"Aad ayay u dhib badan tahay in sawir buuxa laga bixiyo dhibaatada sii xumaanaysa ee Soomaaliya. Waxaan ognahay in xilli roobeedka dayrta ee sannadkan uu bisha Oktoobar ee sannadkan billaabanayo, kaasoo dhalin kara inuu xalaadda kasii daro sababana dhimashada dadka ay macluushu ku habsatay," ayay ha'yaduhu ku sheegeen warbixin ay soo saareen Arbacadii shalay.
"Cudurrada faafa sida daacuunka, jadeecada iyo duumada ayaa dhici karta inay waxyeello u geysato dadka nafaqo-darradu hayso oo u badan caruurta iyo haweenka," ayay hay'aduhu warbixintooda ku sheegeen.
Qarammada Midoobay ayaa sheegtay in dad ka badan afar Milyan oo qof oo Soomaali ah ay haysato cunno yaraan, iyadoo 750,000 qof oo ka mid ah dadkaas ay khatar ugu jiraan inay u dhintaan macluul bilaha soo socda.
Inta badan dadka Soomaaliyeed ee ay saameysay macluusha waxay ku nool yihiin goobaha ay ka taliso Xarakada Al-shabaab, taasoo horay u diidday in hay'adaha gargaarka ay ka shaqeeyaan goobaha ay maamusho.
Abaaraha ku dhuftay Soomaaliya ayaa waxay soo jiiteen indhaha caalamka, iyadoo warbixintan digniinta ah ay ku saxiixnaayeen hay'adaha Oxfam, Danish Refugee Council iyo World Vision.
We didn't prepare for the droughts, its time for us to prepare for the floods
Spread the news