Taliyihii Ciidanka Booliiska Jabuuti oo la toogtay iyo dhaawaciisa oo France loo qaadayo
Jabuuti(Waaheen) Taliyaha Ciidanka Booliiska Jabuuti Cabdi C/laahi Faarax ayuu dhaawac culusi soo gaadhay maanta kadib markii uu mid ka mid ah Askarta Booliiska ee Dalkaasi ku furay Rasaas.
Dhaawaca Taliyaha Ciidanka Booliiska Jabuuti ayay wararku sheegayaan in si Deg-deg ah loogu qaadayo caawa Dalka Faransiiska si loogu soo daweeyo.
Wararka aanu ka helnay shilkaasi ayaa sheegaya in Askariga toogtay Taliyuhu ka cadhooday Musharadiisii oo laga jaray sidaa darted-na uu Taliyaha u toogtay
Short URL: http://waaheen.com/?p=21655




