It will the be biggest child hospital in the whole of East Africa
Turkiga oo Magaalada Muqdisho ka Dhisaya Hospitalka Carruurta abid kii ugu weynaa Geeska Afrika.
Dawladda Turkiga ayaa Qorsheysay in ay ka dhisto Magaalada Muqdisha Hospitaal loogu talo galay carruurta Soomaaliyeed kaas oo noqonaya Hospitalka Carruurta kan ugu weyn Geeska Afrika sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Anatolia News Agency.
Dhismaha Hospitalkan waxaa maalgelinaysa Hay’add lagu magacaabo Yardım Eli Aid Association waxaana uu ka koobnaan doonaa dhismaha Hospital-ka xarun waxbarasho, Masjid iyo meel loogu talo galay soo Dhoweynta Martida.
Kuxigeenka Ra’isulwasaaraha Turkiga Bekir Bozdağ ayaa 17 bishan aynu ku jirno booqanaya Magaalada Muqdishu si uu ugu qeyb galo dhagax dhiga Cusbitaalka Carruurta.
Mehmet Çitil oo ah isu duwaha hay’adda Yardım Eli Aid Association ayaa sheegay in Dhaqaatiir Turkish ah ay ka hawl-geli doonaan Hospital-ka.