--------------------------------------------------------------------------------
--------------------------------------------------------------------------------
Nairobi, Kenya (Calanka.com) - 10 - November -2011
Dhallinyaro masiixi ah oo dhinaca diinta mitid ku ah una dhalatay dalka kiinya, ayaa shabakadda facebook-ga ku faafisay fariinta ah " Dil ruux soomaali, ilaahay wuu kuu dambi-dhaafayaa"
Ereyadaasi oo ay ka muuqdeen nacayb aad u daran, waxey ahaayeen guubaabo cad oo dhinaca diinta ah "FATWO" loona gudbinayay ciidamada kiinyaanka ah ee soo galay dhulka Soomaaliyeed.
Haddii ay dadkii shacabka ahaa sidaa u fekerayaan, dowlad dhaqan keeduba masiixi yahay, maxey ka qaban kartaa arrinkan dagaal hurinta ah ee dhiigga lagu saadaalinayo?.
Qofka dawanka kaniisadda aaminsan ee qoortiisu ay ku xiran tahay calaamadda amaba sumadda isdhaafka macatabka sow markiiba qaadan maayo guubaabadaas?.
Dowladda iyo dadka kiinyaanka ahba waxaa la gudboon iney qaadan tallaabo muuqata oo looga hortayo guubaabadan dab hurinta ah, sidoo kale dowladda iyo shacabka soomaaliyeedna, waxaa laga doonayaa degganaan iyo hubsiino, si aysan seefta uga hor marin ereyo hadhow kutiri kuteen noqon kara.
Faafinta fariintan ayaa ku soo beegmeysa xilli soomaalida ku nool dalka Kenya ay soo wajahday cabsi iyo hanjabaadyo kaga imaanaya dadka Kenyanka ah.
Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ee ku sugan koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo falal amni darro iyo afduubyo ka geystay gudaha dalka Kenya.
BANTUS GONE MAD






