Mujaahidiinta Xuutiyiinta ayaa isku fidiyay dhul ballaaran oo katirsan gudaha wadanka Yemen kadib markii ay xoog ku muquuniyiinta dad raacsan khawaarijta alqaacida.
Wararka ka imaanaya Yemen ayaa sheegaya in Ciidanka Nidaamka Saalax ay isaga bexeen gobollo ku dhaw magaalada Sanca ee caasimadda wadankaasi waxaana dhulkaasi baaxadda leh la wareegay muqawamaha Xuutiyiinta al mujaahidiin.
Ilo xog ogaal ah oo gudaha Yemen laga helay waxay sheegayaan in magaalooyin katirsan Al Jowf oo 143 KM ujira magaalada Sanca ay qabsadeen walaalaha Xuutiyiinta.
Intabadan waqooyiga Yemen ayay mujaahidiinta xuuthis awoodooda ku fidiyeen waxayna cagta mariyeen madaaris diinta lagu barto oo ay lahaayeen khawaarijta
Mid kamida saraakiisha Xuutiyiinta ayaa wakaalaha Wararka u sheegay in fidinta awoodooda ay u adeegsanayaan Dagaal iyo awood sheegasho oo aysan isticmaali doonin wadahadal.
Warkan Murugada leh ee Yemen kasoo baxaya ayaa intaasi ku daraya in mujaahidiinta Xuutiyiinta ay waxkayar Bil ku qabsadeen 40% magaalooyinka iyo degmooyinka Gobolka Xajjah.
Sabtigii lasoo dhaafay ayay xarakada mujaahidiinta xuutiyiinta Jabhado cusub oo dhanka dagaalka ah ka furtay gobolka Alcumraan iyagoona weli go'doomin ku haya Xarunta ugu weyn ee wahaabiyadda khawaarijta Yemen.
Mas'uulka dhanka Milleteriga u qaabilsan murtaddiiinta alqaacidda ee jazeeradda carabta sheekh Abaa Hureyra Al-sancaani ayaa dhawaan ka digay isfidinta Xuutiyiinta ee Yemen wuxuuna sheegay in Mujaahidiintu ay boob ku hayaan dhulalka aan leenahay.
TAKBIR ALLAHU AKBAR




