Ciidamada itoobiya oo dalka dib u soo galay
Ciidamo itoobiyaan ah oo tiro badan watana gaadiid iyo diyaarado dagaal ayaa soo galay deegaamo badan oo Soomaaliya ah. Caabud-Waaq, Balanbale iyo Baladweyne ayaa lagu soo waramayaa in ay si xoog badan u soo buux dhaafiyeen iyagoo horay ugu sugnaa degmada Dooloow. Dib u soo galida ciidamada itoobiya ayaa salka ku haya ka dib markii ururka Midowga Afrika iyo wadamada ciidamada u joogaan Soomaaliya ku heshiiyeen in itoobiya Soomaaliya dib ugu laabato. Lama oga ilaa iyo inta ciidamadani oo aayan dowlada Soomaaliya ka hadal joogi doonaan wadanka iyadoo la filayo in ay fooda isdari doonaan kooxda Shabaab ee xoog iyo xeelad midna u heeynin umada Soomaaliyeed.
Jubbalandnews.com



