Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Xaalad Kacsanaan ah oo caawa ka taagan B/Weyne

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Xaalad Kacsanaan ah oo caawa ka taagan B/Weyne

Postby AhlulbaytSoldier » Sun Nov 20, 2011 4:58 pm

Waxaa caawa si weyn u kacsan xaaladda magaaladda Baladweyne ee Gobolka Hiiraan, waxayna shacabka ku dhaqan magaaladda Baladweyne ay qabaan dareen xoogan, oo ku aadan in dagaalo culus ay ka qarxaan magaaladda.

Ciidamadda Dowladda Itoobiya ayaa waxay soo buux-dhaaf-sheen deegaanka Ceel-gaal oo masaafo yar u jira magaaladda Baladweyne, iyadoo ay caawa dhici kareyso in dagaalo culus ay ka qarxaan magaaladda Baladweyne.

Ciidamadda Dowladda Itoobiya oo aad u fara-badan, watana gawaarida gaashaaman ee Taanggiyada iyo madaafiicda goobta, ayaa waxay soo gaareen deegaanka Ceel-gaal ee duleedka magaaladda Baladweyne.

Qorshaha Ciidamadda Dowladda Itoobiya ayaa waxaa loo-fishay in dagaalo xoogan ay la-gallaan Ciidamadda Xarakada Al Shabaab, oo si weyn ugu sugan xaafadaha kala duwan ee magaaladda Baladweyne iyo duleedkeedaba.

Waxaa la-arkaayay Ciidamadda Dowladda Itoobiya oo isku sii fidinaaya buuraha balaaran ee ku yaalla duleedka magaaladda Baladweyne, waxayna xusul-duub ugu jiraan in Xarakada Al Shabaab ay magaaladda Baladweyne ka saaraan.

Marka laga soo taggo dhaq dhaqaaqyada balaaran ee ay sameynayaan Ciidamadda Dowladda Itoobiya, ayaa waxaa mid lamid ah sameyneysa Xarakada Al Shabaab, iyadoo daafacyo waaweyn ka gashay aafafka hore ee magaaladda Baladweyne, waxaana jirta in buuraha ku hareereysan magaaladda Baladweyne ay dagaal-yahanada Al Shabaab la-saaran yihiin hubka cul culus.

Xarakada Al Shabaab ayaa waxay ku goodisay inay iska caabin xoogan kala hortaggi doonto Ciidamadda Dowladda Itoobiya, haddii ay weeraro ku soo qaadaan Xaruunta Gobolka Hiiraan ee Baladweyne.

Tani ayaa waxay dhalisay in xaaladda magaaladda Baladweyne ay noqoto mid kacsan, waxayna shacabka qabaan dareen xoogan oo ku aadan, in dagaalo culus ay ka dhacaan Xaruunta Baladweyne iyo duleedkeedaba.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 56 guests