Dagaalkii Dhuusamareeb oo Weli Socda iyo Ciidamo Gurmad ah oo ka Baxay Guriceel
Dhuusamareeb ( DHM-News ):- Ciidamo farabadan oo katirsan Ahlu*sunna waljameeca ayaa goordhowayd ka baxay degmada Guriceel ee gobolka Galguduud, waxayna kusii jeedaan magaalada Dhuusamareeb oo uu weli ka socdo dagaal u dhexeeya Ahlu-sunna iyo Al shabaab.
Ilaa 8-gaari oo nooca waa weyn ah isla markaana ay saaran yihiin Ciidamo katirsan Ahlu-sunna wajameeca ayaa wax yar kadib salaaddii maqrib ka baxay degmada Guriceel.
Dagaalka Dhuusamareeb oo bilowday galabta wakkhti gaaban ayaa weli ka socda degmada Dhuusamareeb, waxaana kasoo baxaaya warar hordhac ah.
Intii badnayd dadkii ku dhaqnaa Dhuusamareeb ayaa magaalada isaga baxay waxayna bilaabeen in ay magaalada ka qaataan alaabooyin muhiimka ah sida Idaacadaha iyo wixii lamid ah.
Ciidamada Al shabaab oo dagaal gaadmo ah magaalada ku qaaday ayaa gudaha u galay inta badan xaafadaha Dhuusamareeb, waxaase ka socda gudaha iyo daafaha magaalada dagaalkii ugu xoogganaa.
Dagaalka ay Al shabaab ku qaadeen Dhuusamareeb ayaa lagu soo beegay xilli ay yar yihiin Ciidamada Ahlu-sunna ee degmada ku sugnaa.
Wixii kasoo kordha kaal soco Dhacdooyinka.com.





