MARKAB HUB SIDAY OO KUSOO XIDHAY DEKADA BERBERA
Tuesday November 29, 2011
Warar aanu ka helay gudaha Jamhuuriyada Somaliland dayaa tibaaxaya in maalmihii ugu danbeeyay Markab siday hub Culus oo isku jira Guwaadhida gashamaan iyo hub kala nooc ah
Berbera (BurcoOnline) 29.11.2011 Warar aanu ka helay gudaha Jamhuuriyada Somaliland dayaa tibaaxaya in maalmihii ugu danbeeyay Markab siday hub Culus oo isku jira Guwaadhida gashamaan iyo hub kala nooc ah, kusoo xidhay Dekada Berbera. Hubkan ayaa Dad goobjoogi siday sheegeen ayaa goor habeenimo ah laga daad gureeyay hubkii iyo wixii saarna markabka ilaa iyo intuu waagu baryaayay.
Markabkan hubka siday ayaa Dad badani aaminsayeen markii hore inuu u socday Dalka itoobiya laakin markii danbe la ogaaday inay iska leedahay Somaliland markii lageeyay xeryo Ciidammada Qaranku leeyihiin. Markabkan ayaa la sheegay inuu ka yimi dhinaca Asia laakin lama sheegin cida iska leh iyo Wadanka u kayimi, hubka saarnaa Markabk ayaa la sheegay inay yihiin hub casriya oo noocyo badan leh waana hubkii abid ugu badna ee Somaliland soo galaa.
Ciidamada Somaliland ayaa sii kordhaaya sannad walba tirada Ciidamada Somaliland ayaa lagu qiyaasa inay kor udhafeen 50 kun, Dalka Somaliland Misaaniyada qeybta ugu badan sannad walba waxay ku baxaa Wasaarada Gashaandhiga lacagtaas oo kor udhaaftay 15 milyan dollar Maraykanka. Hubka ka soo degay Dekada Berbera ayaa ila imika la cadeyn in lagu caawiyay Dalka somaliland iyo in Somaliland soo iibsatay.
Si kastaba haw dhacdee waxaa Dad badani ku xidhiidhinayaan in Shirkadaha Reer Galbeedku ee Dawlada Somaliland lagasho maalgelinta dhinaca wax soo saarka macdanta iyo saliida ayaa waxaa Dawladu kaga dhufataa lacagyo xad dhaafa oo farabadan ama waxaa la odhan karaaba in ayagu laftigoodu Waa Shirkadaha Macdan baadhistu, hubka Dalka Keensadeen si amaanka Somaliland lasii xoojiyo mar hadii khayraadka lasoo saarayo taasoo muhimiyad weyni tahay Dalku inuu yahay mid amaana isla markaasna leh, Ciidan ku filan oo qalabaysan oo ilaaliya Dhulka ama meelaha laga qodaayoo khayraadka sida Saliida iyo Macdanaha kala duwan



