Kooxo hubeysan oo weeraray
Xarun Turkiga ay ku leeday
Muqdisho
Muqdisho :
(Sh.
M.
Network)
Xarun
caafimaad
oo
dowladda
Turkiga
ay
ku
leedahay
magaalada
Muqdisho
ayaa
caawa
waxaa weerar bambaano ku qaaday
kooxo hubeysan kaasi oo sababay
qasaaro nafadeed.
Ilaa 3 ruux oo dhalinyaro ah ayaa
waxaa la sheegay in caawa bam
gacmeed ay ku weerareen Xarun
caafimaad oo dowladda Turkiga ay ku
leedahay Xaafadda Buulxubeey ee
degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Goobjooge la hadlay Shabelle oo
xaruntaasi ka agdhawaa xiligii la
weerarayey ayaa waxa uu sheegay in
bam gacmeedkaasi uu ku geeriyooday
mid ka mid ah ilaalada Xarunta halka
mid kale oo holwadeenada Xaruntaasi
ka mid ah uu sheegay in uu
dhaawacmay.
Ciidamo ka mid dowladda KMG
Soomaaliya ayaa gaaray goobta sida la
sheegay kuwaasi oo halkaasi ka
sameeyay baaritaano ilaa hada in ay
dad ku qabteen iyo in kale aysan
cadeen hase ahaatee kooxihii falkaasi
gaystay ayaa goobta isaga baxsaday.




