Tadliiska iyo marin habaabinta fatwada (Sh Xassaan) :Sheekhaas hadaad disho adna mujaahid baad tahay isna waa shahiid!!!.A/qani H. mohamed
Published on December 13, 2011 by SomaliMirror · No Comments ·
Dilkii diin la’aanta ahaa ee loogu gaystay magaalada Boosaaso, Sh. Dr. Axmed X. Cabdiraxman-(Ilaahay ha u naxiisto, cuquubana ha u soo dedejiyo dhamaan dhagar qabayaashii dilkiisa ku lugta lahaa)- maalintii caashuura ee bishan muxaram 1433, waxa uu shaaca ka qaaday:
1- Fahamka guracan ee lagu saleeyey dilkii sheekha iyo muslimiin badan oo hore loo dilay.
2- Wuxuu madmadow badan geliyey niyadsamaanta dagaalka ay xarakada Alshabaabku ku jirto, kaasoo dhaliyey dood badan oo odhanaysa: Malaa dagaalka ay shabaabku ku jiraan maaha mid ku salaysan niyad sami iyo khayr jecayl marin habaabay, ee waxa ka danbeeya ajandayaal guracan oo meelo fog laga soo qorsheeyey.
3- Malahaasi waxa uu si wayn u xoogaysanayaa marka la eego arimahan:
1- Shabaab waxa ay sabab u ahaayeen soo gelitaanka dalka ee ciidamada Ethiopia, markay maxaakiimta geliyeen dagaal aan cawaaqibtiisa laga fekerin, una diideen inay ka midho dhaliyaan dareenkii dadka, sameeyaana maamul dawladeed oo xasilooni ka dhex dhaliya bulshada soomaaliyeed.
2- Marka la eego dhabar jebintii joogtada ahayd iyo dagaal kaga bixidii ay ku hayeen maxaakiimta intii lagu jirey dagaalkii itoobiyaanka, taasoo sababtay in rag waaweyn oo qiimo lahaa ku dhamaadaan dagaaladaas.
3- Dilka aan loo meel deyin ee ay ku hayaan bulshada iyo gaar ahaan waxgaradka iyo haldoorka bulshada soomaaliyeed (http://www.somalimirror.com/2011/12/07/ ... -ibraahim/).
4- Shabaab waa xarako hor iyo dabo diid ah oo aan la fahami karin meesha ay u socdaan iyo masiirka ummadan meeshay doonayaan marka laga yimaado beerlaxowsiga ah inay diin u dagaalamayaan, dalka ku xukumi doonaan, iyadoo culimadii iyo ahlu caqligii bulshadana toodasho iyo qarxin lagu dhameeyey intii kalena qax iyo abaaro u le’anayaan!!!!!!.
5- Waxa ay sabab u noqdeen in dalka ay ku hirdamaan ajandayaal caalami ah, una fududeeyaan inay soo galaan dalka dawlado dano ka leh gobolka iyo dalka soomaaliya.
6- Aflagaadeynta iyo kala go’ynta bulshada iyo culimadooda, ka dibna beegsiga culimada iyagoo lagu salaynayo fatwo aan cilmi iyo caqli midna ku dhisnayn, caqliga caafimaadka qabaana si cad u arkayo inay is burinayso, ninka lagu magacaabo Sheekh Xasan ee degan dalka Kenya ayaa aragti sharci ku tilmaamay hadalkan “Aniga mowqifkayga ku aadan wadaadadda halganka maanta dunida kasocda xagal daacinaya waxaan qabaa aduunkaba in la dhaafiyo, hadda kahorna waa idiin sheegay li’ana fitnaday ummadda ku hayaan baa kadaran dilkooda” isagoo sheeganaya in dilaaguna mujaahid yahay la dilaaguna shahiid yahay, marin habaabin iyo tadliisna ku samaynaya caamada, halkan ka dhegayso hadalkaas http://somalitalk.com/2011/12/11/xasaan/
faalaynta aragtida Xassaan.
1- Ilaalinta iyo difaaca diintu waa masuuliyadda la wada leeyahay, waxaana si gaar ah ugu taagan laba nooc oo dadka ka mid ah:
- Nin caalim ah oo xujo iyo xaq cadeyn ku difaacaya diinta
- Mid seef iyo gacan ku difaacaya diinta (u noqo tafsiirka aayada 122. suuratu tawba, ka soo guurin kitaabka “Al faqiih walmutafaqih” Al khadiib albaqdaadi).
2- Labadaas nooc ee u taagan difaaca diinta waxa horeeya oo asal ah ninka caalimka ah, ka kalena isaguu tabac u yahay oo uu tawjiihinta iyo sixidda ka qaadanayaa, jihaadkiisuna jihaad noqon maayo hadaanu diin iyo cilmi iyo xujo cad salka ku hayn taasna Elhu cilmiga iyo culimada ayaa loo dabo fadhiisanayaa.
3- Caqliga saliimka ahi wuxuu waafaqsan yahay qadciyaadka diinta, hadalka ninkani ku hadlay ceebo iyo khaladaad badan oo sharciga iyo caqliga caafimaadka qaba khilaafsan baa ku jira:
Tadliis iyo marin habaabin uu caamada marin habaabinayo: marka uu leeyahay “ka wax dilaana waa mujaahid ka la dilaana waa shahiid” isagoo tusaale u soo qaatay qofka muslimka ah oo lagu dhex dilo gaalo iyadoon isaga loo jeedin, waa shahiid, u fiirso (khadka madow) , halkan wuxuu u socda in culimad qasdi iyo si cad loo beegsado oo jihaadka uu sheeganayo laga hor leexiyo maadaama ay xagaldaacinayaan halganka,- waa sida uu isagu u arko- taasna wuxuu uga qiyaas qaadanayaa qof muslim ah oo ku dhintay meel aan laga filayn oo jihaad sax ahi ka socday, ama aan u saxee tii ku dhacday saxaabigii xudayfa ibnul yamaan aabihii (xasuul bin jabir) ee saxaabadu ay dagaalkii Uxud sida khaldan ugu dileen iyagoo gaal moodaya, arintan oo kalen waxa la yidhaahdaa ‘qiyaas macal faariq”, wax laysu qiyaasi karana maaha.
Khatarta labaad ee hadalkan ama fatwadan ka dhalanaysa waxa weeye: in bulshada oo dhan la beegsado ka dibna lagu doodo gaal baa boqolkaa muslim ku dhex jiray oo lagu jihaaday, iyaguna waa shuhadaa!!!!!.
Waxa la yaab leh in ninkani uu garan waayo in hadalkani is burinayo: isagoo ninkii uu tilmaamay inuu fasaad ku jiro oo muslimiinta jihaadkooda ka soo hor jeedo, taas daraadeed loo dilayo hadana ku tilmaamay shahiid (su’aashu waxa ay tahay shahaadada uu dilkaaga ku helay muxuu ku kasbaday, fasaad baabu ku jiraaye, maxaase lagu dilay ma xad baa mise waa rido, haduu midkood yahayse ma denbiga lagu dilay baa shahaado ah!!!!!), dhalin yarada arimahan ku dagmayaa hadaanay cilmi ku filan lahayn caqli miyaanay lahayn.
Caqliga ma gashaa in qof dhiigiisa la banaysto kii baneysigaa ku camal falana la yidhaahdo wa mujaahid, kii dhiigiisa hadur laga dhigayna la yidhaahdo waa shahiid, sidaa haday sax tahay dabcan ka shahaadada loo qiray jannaa loo qiray, bulshow Dr Axmed wixii loo dilay ayuu shahaado ku helay yaan laydinka dheerayn manhajkiisii iyo dacwadiisii iyo hab-dhaqankiiiisii waanad garanaysaan!!!!, aniguna Illaah baan ku dhaartee khayr iyo wanaag baan u qirayaa ilaahayna waxaan uga rajeynayaa inuu manzilata shuhadaa gaadhsiiyo, kii dilayna gacan ku dhiigle Ilaahay dimadiisa banaystay baan u arkaa, waxase u furan inuu toobad keeno, oo isu soo dhiibo Awliyaa -Adam.
Cali Bin abii Daalib waxa dilay khawaarij, Culimada Ahlu sunna waxay isku waafaqsayihiin inuu Cali bin Abii Daalib ahlu janno yahay bushaaradaasina ay ka sugnaatey nebiga scw, ninkii dilay hadaynu nidhaahno muta’wil buu ahaa diin u gargaarkeedna waa u dilay, caqligu ma aqbalayo in la yidhaahdo waa mujaahid sida khawaarijtu qabto gabayadoodana ay ku tilmaameen, fatwadani nasiib daro way ka liidataa muctaqadkii khawaarijta ee ninkii Amiiral muminiinta dilay u qabay mujaahid waayo iyagu Cali shahiid umay arkayn ee nin gaaloobay ayey u arkayeen.
Fatwadan waxa lagu dabaqay Allaah ha u naxariistee Sh Dr Axmed X. Cabdiraxman, waxaana imika dhamaan websites-ka shabaabka lagu tilmaamay in Dr Axmed shahiid yahay.
Qormadan koobani waxay qayb ka tahay soo jeedin tii uu soo jeeday Al Akh sheekh Xassan Mohamed Ibrahim, ee ahayd bal in is-huwanta “alshabaab” dib u fiirsi iyo diraaso lagu sameeyo, xaqiiqadoodana banaanka la soo dhigo mar hadii naseexo iyo toosin lagala quustay, iyadoo ay hubaal tahay in dhalin yarta da’yarta ah badan kooda ay niyad sami arintani ka tahay iyo diin, sidoo kalena sharcigu qariray inaanay niyadda wanaagsani camalka faasidka ah saalix ka dhigin, hadan ideology-ga maamulka sare iyo tasarufaadkooda waa in sharciga loo bandhigaa.
Listen this shocking message of shaydan xasan xuseen lacnatallah aleyh in which he commands to kill scholars:
Sidaa darteed baa lialqaatil mujaahidun wal maqtuul shahiid taas waxaa soo hoos geli ruuxa muslimkaa oo gaalo ku dhexdhinta oo aan la ogeyn kaas isaga xaqdaraa lagu diley laakiin maanan ogeyn kii wax diley waa mujaahid kan ladileyma waa maxay ? waa shahiid liana isagu sabab meesha kuma lahayn oo mudarib maahayn mujaahidkuna ma ogeyn mujaahidka waxba looma haysto asagana waxba loomahaysto haduusan gaalada lasafnayn.
Halkan hoose kadhegeyso codka Sh Xasaan Xusen
http://halgan.net/2011/12/12/sh-xasaan- ... ddhageyso/




