Postby Lamagoodle » Wed Dec 14, 2011 6:29 am
LOL Twist
Not that I want to compete with my nephew BlueNwhite but read below:
Magaalada Landhan waxaa beryahaanba ka jirey guux la xiriira shaqo joojin aay ku dhawaaqeen ururka shaqaalaha ee xoogsatada matala. Maana badanaaba ma dhageeysato iidaacadaha. Sidaasi darteed Maana kama war haaynin shaqo joojinta lagu dhawaaqay. Waxaay magaalada ka deganeeyd xaafada loo yaqaano Iiling oo magaalada dhinaca galbeed ugu taalo. Inkastoo aay ku cusubtahay dalka ingiriiska oo aay deganeeyd saddex sanno oo keli ah, Maana waxaay ahayd gabar gaari ah oo reerkeeda aad u jecel. Subax waliba markaay soo toosto inta aaysan quraacanin waxaay talefoon kula xiriiri jirtey hooyadeed Kutubeey oo deganeyd magaalada Muqdisho oo aay weydin jirtey sida lagu bariyey. Maanta markaay soo tostay waxaay wacday hooyadeed. Jawaab ma laha. Waay ku celisay marlabaad; jawaab malaha; mar saddexaad waa sidoo kale. Iyadoo welwelsan ayaay waxaay fiirasay saacada ugu dhegan derbiga. 7.45! Intaay hoos ka ganuunacday ayaay is tiri koleey qurac ka gaari maaysid ee bal basku yuusan kaa tagin.
Maana waxaay ka shaqeysaa sheybaar ku yaalo cisbitaal u dhow xaafada la yiraahdo Acton. Guriga iyo shaqada waxaay isu jiraan ilaa afar kiilomitar. Waay soo carartay oo waxaay is tiri basku yuu ku dhaafin.. Iyadoo heraan hereeyso ayaay timid barta baasaska laga raaco. Waxaay hoos ka tiri toloow maxaa dhacay? Sideey wax u jiraan maanta meeshu waa cidle ? Nin cadaan ah oo meesha maraayey ayaa u sheegay inuusan bas jirin. Maadama aay ahayd gabar shaqadeeda jecel welwel aad u balaaran ayaa ku dhashay; toloow maxaan sameeyaa? Ma shaqadaan wacaa ? Mise waxaan qaata taksi? Waxyaabo badan ayaa maskaxdeeda ku dhashay; haddii aan shaqada waco waxaa la ii maleeynayaa mashaqeeysato oo shaqada laiga ceeyrinayaa; haddii aan takso raaco waa lacag badan oo dhaqaalaheeyga kuma filno.
Waxaay u soo dhaqaaqday dhinaca xaafadeeda. Wejigeeda waxaa laga dareemaayey amakaag, welbahaar iyo cabsi intaba. waxaay u soo dhaqaaqday dhinaca xaafadeeda iyadoon go'aan gaarin. Waxaay isha ku dhufatay gaari nooca loo yaqaano Toyota oo nin soomaali ah oo da’adiisa lagu qiyaaso karo 30 jir wato. Maadaama aay tahay gabar soomaali ah waay ka xishootay inaa gacanta u haadiso. Nasiib wanaag wadihii gaariga inta uu buunka gaariga yeeriyey ayuu yiri soo gal walaal xageed u socotaa?. Maana iyadoo xishooneeyso ayaay soo fuushay gaariga, Hal mar ayaa waxaa isku dhacay indhahooda! Markaasu wadihii la soo booday; ileen mowluhu minuu wax fiican kula maago Maano oo jidka taagan ayuu ku tusaa! Si fiican ayaay u fiireysay; waa Macoow! Alle waa Macoow ayaay la soo booday. Gaarigii ayuu demiyey Macoow. Banaanka ayaay iskula soo baxeen oo si fiican ayaay isu salaameen. Waxaay labaduba soo xasuusteen markii aay isla dhigan jireen Dugsiga hoose/dhexe ee Hawlwadaag; waagii aay is jeclaayeen iyo weliba ballantii aay wada galeen markii iskugu dambeeysay; inaay is iloobeynin iyo inaay maalin maalmaha ka mid ah isguursan doonaan. Macaanto xageen ku geeyaa ayuu la soo booday; aboowe meeshaad rabtid i geey ayaay ku jawaabtay.
Last edited by
Lamagoodle on Wed Dec 14, 2011 6:36 am, edited 2 times in total.