Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Soomaali tiro badan oo laga sii daayay xabsiga dhexe ee caas

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
The_Patriot
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20702
Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am

Soomaali tiro badan oo laga sii daayay xabsiga dhexe ee caas

Postby The_Patriot » Fri Dec 16, 2011 2:51 am

Soomaali tiro badan oo laga sii daayay xabsiga dhexe ee caasimadda Libiya
Published: December 15, 2011

(Tripoli):-Muhaajiriin Soomaaliyeed oo ay tiradoodu gaarayso 168 dhallinyaro ah, kana kooban 114 rag ah iyo 54 dumar ah, ayaa shalay laga sii daayay Xabsiga weyn ee ku yaalla Magaalada Tripoli ee dalka Libya.

Muhaajiriintaan Soomaaliyeed, ayaa in muddo ah ku jiray Xabsigaas, ka-gadaal markii ay Ciidanka Nabad-sugidda ee dalkaas Libya ku soo eedeeyeen inay u guntanaayeen Tahriib xagga Badda ah, doonayeenna inay si sharci-darro ah Doonyo ugu gaaraan Xeebaha dalka Talyaaniga.

Sii-hayaha Safaaradda Soomaalida ee dalka Libya: M/D.Muxyaddiin M.Kaalmoy, ayaa si lixaad leh ugu guntaday, kana mira-dhaliyay sidii uu Mahaajiriintaan Soomaaliyeed uga sii dayn lahaa Xabsiyada Libya, ayna dib ugu heli lahaayeen Xorriyaddooda.

Muhaajiriintaan Soomaaliyeed ayaa iska fogeeyay waxa lagu eedaynayo, waxayna ku doodeen in ay damacsanaayeen in ay u sii gudbaan dalka Tuunis, si ay ugu biiraan Qaxootiyada kale ee ku sugan Xerada ‘Shousha’ ee ku taalla Xadka labada dal. Halkaas oo ay ku sugan yihiin Boqollaal Qaxooti Soomaaliyeed ah, oo iyagu markii hore ka bara-kacay dalka Libya.

Sii-hayaha Safaaradda Soomaalida ee Tripoli: Muxyaddiin M.Kaalmoy, ayaa ka codsaday Maamulayaal ka tirsan Xukuumadda KMG ah ee Libya,inay ka-caawiyaan walaalahooda Soomaaliyeed, sidii ay Sharciga degganaanshaha(Iqaamad) iyo shaqooyinba uga heli lahaayeen gudaha dalkaas. Codsigaas oo laga oggolaaday Madaxda Safaaradda.

Dhanka kale, Mudane/Kaalmoy wuxuu ku boorriyay Soomaalida Libya, inay ka waantoobaan falalka Tahriibka ah ee Tahlukada wata, ayna ka xoogsadaan Gudaha dalka Libya, iyagoo ka faa’iidaysanaya fursadda hadda taagan ee ah helitaanka sharciga iyo shaqadaba.

Boqollaal Soomaaliyeed oo kale, oo ka mid ahaa kuwii ku sugnaa Xerada(Sika-xadiidiya) ee bartamaha Tripoli oo ay maamulkoodu hayso Jamciyadda Xuquuqul-insaanka ee dalka Libya, ayaa iyaguna toddobaadkan Hawlo ka bilaabay Dawladda Hoose ee Tripoli. Jamciyaddan iyo Safaaradda Soomaalida ee Libya ayaa iyagu iska kaashada xal u helidda Arrimaha Muhaajiriinta Soomaaliyeed.

Xafiiska Warfaafinta ee Safaaradda Soomaalida
Tripoli-Libya

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 39 guests