Breaking News: Historic Agreement reached in Garowe to end Transition....
Shirkii Garowe Waa Lagu Heshiiyey Madaxdiina Heshiiska Way Saxiixeen
Posted by Pi on December 24th, 2011
Garowe (Puntlandi) Magaalada Garowe ee Xarunta dowladda Puntland oo afartii maalmood ee u danbaysay ee uu ka socday Shirka Wadatashiga Dastuurka Soomaaliya ay yeelanayso in lagu dhamaystiro, Shirka ayaa laga gaarey heshiis dhaxalgal ah waxaana heshiiska saxiixay Madaxwaynaha Federaalka Shariif Shiikh Axmed, Raysalwasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas,Gudoomiyaha Baarlamaanka TFG Shariif Xasan Shiikh Aadan, Madaxwaynaha Puntland Dr. C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole, Madaxwaynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin iyo Wakiilka Ahlusuna Waljamaaca.
Waxaa Madaxdu ay ku heshiiyeen in KMG ka laga baxo sanadka soo socda bisha Augsto marka lagaaro isla markaasna la yareeyo Baarlamaanka oo uu noqdo 225 kuwaas o lagu soo xuli doono nidaamka 4.5 ee hada jira, mudda Baarlamaanku waa 4 sano sida lagu heshiiyey waxaana markii 4-taas sano dhamaado meesha ka baxaya nidaamka qabiilaysiga ee 4.5 waxaana markaas lagalayaa hal qof iyo hal cod iyo nidaamkii xisbiyada in wax lagu soo doorto waxaa sidoo kale heshiiska ku taal inaan nimaamka 4.5-ka aan marna waqti loogu dari doonin marka uu waqtiga ka dhamaado 4 sano oo ka bilaaban doonta bisha Augst sanadka 2o11-ka markaas oo laga bixi doono Xiliga KMG ah oo la galayo dowlad rasmi ah, Baarlamaan rasmi ah iyo madax rasmi ah.
Markii ay madaxdu heshiiska saxiixeen waxaa Kooxda Fanaaniinta qaranka Waabari Puntland ay qaadeen heesta astaanta qaranka Soomaaliya ee Soomaaliyeey Toosoo Toosoo Isku Tiirsada oo hadba kiina taageeran taageera waligiinee. Heesta waxaa ka dabo qaadaya Madaxda Dalka Soomaaliya iyo Dhamaan qaybaha bulshada ee shirka joogta ee Soomaali ah waa loo wada istaagey heesta waxaa la lulayaa calanka Soomaaliya, Haweenku way ilmaynayaa madaxda qaarkeed indhahooda waxaa laga dareemayaa qiiro Soomaalinimo.
Madaxda ayaa hadalka bilaabi rabta Wakaalada.com ayaad toos shirka idiinka soo tabinaysa hadaladii madaxda ayaana heesta calanka qaadisteedu marka ay dhamaato ku xigi doona sida qorshaha ay ku sheegeen Wasiiru dowlaha dastuurka Puntland Dr. Jimcaale iyo C/casiis Farabadane oo UNPOSS ka tirsan.
Qodobada oo dhamaystiran khudbadaha Madaxda ayaad naga sugaysaan hadii alle idmo.
Abdi Yuusuf Geeljir