Musuuliyadda & Waajibaadka Shaqo
Inuu curiyo fikradda barnaamijka.
Inuu baaritaan ku sameeyo fikradda barnaamijka.
Inuu raadiyo dadka barnaamijka macluumaad siin kara ama lagu wareysan karo.
Inuu xaqiijiyo in barnaamijku gudbinayo ujeedki & fariinti loogu talo galay, hubiyana inuu waafaqsanyahay siyaasadda guud ee warbaahinta.
Inuu hubiyo hufnaanta maqalka & muuqaalka barnaamijka
Inuu doorto suugaanta ku habboon ee barnaamijka lagu soo qaadan karo.
Inuu wargeliyo, macluumaadna ka siiyo weriyeyaasha, soo-jeediyaha iyo farsama-yaqaannada kala qeyb qaadanaya barnaamijka.
Inuu soo jeediyo barnaamijka ama uu diyaariyo dadka soo jeedin lahaa.
Inuu hubiyo inay diyaar u yihiin dadkii lagu wareysan lahaa, qalabka iyo tas-hiilaadka muhiimka u ah barnaamijka.
Inuu sameeyo tifaftirka barnaamijka.
Inuu ka jawaabo fal-celinta ka timaadda dadka daawada ama dhageysta barnaamijka.
Wuxuu sidoo kale qaban doonaa howl kasta oo maamulka Idaacadda iyo Telefishanku u xilsaaro.
Aqoonta & xirfadda looga baahan yahay
Waxaa aad loo doorbidayaa inuu leeyahay/leedahay aqoon illaa heer jaamacadeed.
Waa in uu leeyahay khibrad saxaafadeed, ugu yaraan shan sano oo dhanka soo saarista wararka, qoraallada & barnaamijyada ah, kana soo shaqeeyay xarun warfaafineed oo la yaqaanno.
Waa inuu aad uga warqabo dhacdooyinka ka jira dalka & dibadda.
Waa in uu aqoon wanaagsan u leeyahay afka Soomaaliga, gaar ahaan eray-bixinta saxaafadda.
Waa inuu aqoon durugsan u leeyahay afafka Ingiriiska & Carabiga midkood, leeyahayna xirfad qoraal, akhris iyo ku-hadal intaba
Waa inuu aqoon aasaasi ah uleeyahay dhaqanka & suugaanta soomaalida
Waa inuu xirfad wanaagsan u leeyahay barnaamij-dhisida & isku-dubaridka qormooyinka
Waa inuu leeyahay xirfadda isticmaalka kumbuyuutarka, yaqaanana sida loogu adeegsado saxaafadda
Waa inuu aqoon & karti u leeyahay tebinta tooska ah ee wararka deg degga ah.
Codsiga & CV-ga waxaad kusoo hagaajin kartaa info@mipt.gov.so: inta ka horeysa January 15th 2012





