Somaliland oo Itoobiya u soo dhiibtay qaxooti u badan Oromo
Wajaale, 29-Dec-2011 - Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland ayaa ciidanka ammaanka ee Itoobiya u soo dhiibtay tiro qaxooti u badan Oromo, kuwaasoo muddo dheer ku noolaa magaalada Hargeysa.
Ciidanka ammaanka ee Itoobiya ayaa dhowr jeer oo hore weydiistay maamulka Somaliland soo gudbinta qaxootiga reer Itoobiya ee ku sugan Somaliland, kuwaasoo tiraddooda lagu qiyaaso illaa 500.
Codsiyadi hore ee ciidanka ammaanka ee Itoobiya ayaa la aaminsan yahay inuu hortaagnaa wasiirki hore ee Arrimaha Gudaha ee Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, taasoo la rumeysan yahay inay aaqirki qeyb ka noqotay sababihi uu shaqada ku waayey, inkasta oo illo xog-ogaal ah ay sheegayaan inay arrintan ka wada socdeen Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo.
Bishi September 01, 2011, isla maalinti shaqada Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland lagu wareejiyey wasiirka haatan, Maxamed Nuur Carale, oo loo yaqaan Duur, waxey dowladda Itoobiya warqad kama danbeys ah u dirtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland, taasoo uu markiiba ballanqaaday Duur inuu fulin doono wixii ku qornaa.
Isla bishi September 04, 2011, Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Gudaha ee Somaliland, Cusman Garaad Soofe, wuxuu warbaahinta u sheegay inay Somaliland diyaar u tahay inay ciidamada ammaanka ee Itoobiya u dhiibto guud ahaan qaxootiga reer Itoobiya ee ku sugan Somaliland.
Ballanqaadyo iyo hadal warbaahinta la siiyo mooyee, majirin wax la taaban karo oo ay Somaliland ka qabatay codsiyadi kaga yimid ciidanka ammaanka ee Itoobiya, waxaana cad inuu wali jiro madmadowgi soo kala dhexgalay xidhiidhka labada dhinac marki talada maamulka Somaliland uu la wareegay Madaxweyne Siilaanyo.
Itoobiya ayaan hubin jahada siyaasaddeed ee maamulka Siilaanyo. Madaxweyne Siilaanyo ayaa booqashadiisi ugu horreysay ee uu dibadda uga baxo Somaliland, kadib marki loo doortay xilka madaxweyne, wuxuu ku tagay dalka Jabuuti, iyadoo hogaamiyayaashi hore ee Somaliland ay horta booqan jireen Itoobiya.
Dowladda dhexe Itoobiya ayaa aaminsan inay suurogal tahay in qaxootiga tirada badan ee ku sugan Somaliland ay ka dhex kaluumeysan karaan jabhadaha diidan jiritaankeeda, kuwaasoo dhalinyaro badan horrey uga ka xaystay qaxootiga reer Itoobiya ee ku sugan dalalka Sudan iyo Jabuuti.
Tirada qaxootiga ay hadda soo dhiibtay Somaliland ayaa la filayaa inay noqoto wajiga koowaad ee howsha soo dhiibitaanka guud ahaan qaxootiga reer Itoobiya ee ku sugan Hargeysa, taasoo ka koobnaan doonta dhowr waji.
Wabishabeele.com