Waagii horaan joogi jiray
Anoo yar aan joogi jiray
Cunug ah aan joogi jiray
dooggeeda joogi jiray
Abaarteeda joogi jiray
Mar kastaba joogi jiray
Si kastaba ku joogi jiray.
Waagaa aan joogi jiray
Ciideeda ku ciyaari jiray
Biyeheeda cabi jiray
Roobkeeda ku badhaadhi jiray
Dhulkeeda seexan jiray
Khayraadkeeda cunni jiray
Keligeed uun ayaan aqoon jiray.
Dabeetana talaa isoo gaadhoo
Horumar ayaan doontoo
Nasiibkay ayaan tijaabshoo
Dhaqdhaqaaq ayaan sameeyoo
Mar uun ayaan dhoofoo
Dalkaygii ka hayaamay.
Qurbihii ayaan soo gaadhoo
Qacanba qacan ii dhiibtoo
Gacalkay ka soo fogaadoo
xafiis qaxoonti I yeeshoo
Cidlo ayaan weheshadoo
Gaal ayaan la dersay.
TO BE CONTINUED
Dabeetana nolol eber ka bilaabay…
Badownimo…
Tartiib ayaan la qabsadoo…
Beryo kadib dib u soo laabtoo…




