Guddoomiyaha Xisbiga
Jamhuuriga Soomaaliya C/
nuur Darmaan oo Booqday
Dhaawacyadii Qaraxii Hargaha
iyo Saamaha [ Sawirro ]
Ankara ( DHM-News ):- Guddoomiyaha Xisbiga
Jamhuuriga Somaaliya Mudane C/nuur Axmed
Darmaan oo booqasho ku jooga dalka Turkiga
ayaa waxa uu booqday Isbitaallo ku yaalla
magaalada Ankara ee xarunta Turkiga halkaasi
oo ay ku jiraan qaar kamid ah dadkii ay
dhaawacyadu kasoo gaareen qaraxii ka dhacay
Hargaha iyo Saamaha ee magaalada Muqdisho.
C/nuur Axmed Darmaan waxa uu booqday isla
markaana mid mid ugu tegay qaar kamid ah
dadkii ay dhaawacyadu kasoo gaareen qaraxii
Hargaha iyo Saamaha ee khasaaraha ballaaran
geystay, waxaana uu ka waraystay xaaladooda
caafimaad.
Dadka qaba dhaawacyada kala duwan ee uu
Ankara ku booqday Guddoomiyaha Xisbiga
Jamhuuriga Soomaaliya C/nuur Axmed Darmaan
ayaa waxay sheegeen in ay iminka soo
hagaagayso xaaladooda caafimaad.
Mr Darmaan ayaa waxa uu siweyn ugu
mahadceliyey Dawladda Turkiga oo adeegyo
caafimaad oo aan hagar lahayn u fidisay dadkii
ay dhaawacyadu kasoo gaareen qaraxii
khasaaraha badan geystay ee ka dhacay xarunta
Hargaha iyo Saamaha ee magaalada Muqdisho.
4- tii bishii October ayey markii uu qarax
xooggan oo geystay khasaare ballaaran oo isugu
jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay
xarunta Hargaha iyo Saamaha ee magaalada
Muqdisho, waxaana qaraxaasi ku naf waayey
dad ka badan 100- qof oo aan waxba galabsan
una badnaa arday deeq waxbarasho ka heshay
Turkiga.
Please ignore the hateful text of dhacdooyinka.
They are enemies of Madaxweyne Darmaan.
He is the real president of Somalia ,and the best since Aadan Cadde.




