Naftaa jiriskaaga doonta
Hankuun baa i jiidanaaya
Halkaad hadba joogtid-baa
Dareenku ku jeeni qaarmay
Markaad ila jaarto maalmo
Jawigu farxad buu noqdaa
Markaad iga jiidatana
Oontiyo anfacaan jaraa
Dhankayga janaad ka tahay
Jidhkayga badh baad ka tahay
Jeexiyo qalbigayga bidix
Ayaad ku jexaasantahay.





