Maakhir University oo Xaflad Bosaaso loogu Qabtay +Sawiro
Bosaaso:- Gudiga Gacanta ku haya Dhismaha Jamacada Maakhir University ee Magaalada Badhan ayaa Xaflad ku qabtay Magaalada Ganacsi ee Bosaaso taasi oo Ujeedkeedu ahaa in Dhaqaale loogu Yaboohu Jaamacada Maakhir, Munaasibadaasi oo ka dhacday Hotel Jubba ee Magaalada Bosaaso waxa lagu Casumay Ganacsato Aqoonyahao Guurtid iyo Ardayda badan oo Jaamacadaha dalka dhigta.
Xafladan oo Daba socotay Kuwii London,UK ka dhacay iyo Badhan-Sanaag ayaa ahayd mid Gol Gol dhigeedu ahaa sidii Bulshada Reer PL Loogu soo Bandhigi lahaa Qorshaha Fog ee Jaamacada Deegaankaasi Sanaag.
Jaamacada Maakhir waxa Hir galinteeda lahaa Aqoonyahano Reer Sanaag kuwaasi oo Qorsheeyay inay Dalkii Horumar Gaadhsiiyaan, iyaga oo Hay’adda Daneeya Arrimaha Tacliinta Dhowr Jeer kala hadlay in la Badhi-taaro Jaamacada Deegaankaasi Sanaag ku Taala.
Amin Maxamuud Ducaale oo ka mid ah Dadka Jaamacadaasi u Olaleeya ayaa Dhawaan Laanfa Af Somaliga ee VOA-da u Sheegtay inay Taakulo ka helaan Bulshada Somaliyeed ee Jeceli Waxbarashada.
Guud ahaan dadkii Munaasibadaasi Bosaaso ka soo qayb Galay waxay Sheegeen inay taageero Dhaqaale iyo Mid cudud la Garab Taagan Yihiin Jaamacada Maakhir waxana la Liis Gareeyay dad Balan qaad Suubiyay.
Jamaal Cismaan
GalGalanews/Bosaaso
http://www.galgalanews.com/?p=8136



