Page 2 of 3

Posted: Sun Sep 11, 2005 9:34 pm
by DamallaXagare
[quote="dhuusa_deer"]this is incomprehensible gibberish. anyone care to translate this stuff so we can ALL gain its 'beauty'. Surprised[/quote] Before you call something incomprehensible gibberish, why don't you try to understand its contents or messages but you can't understand because your knowledge of Somali is limited. As a result, do you think the "gibberish" word can be employed in this context. You are asking for translation and at the same time calling the lyrics gibberish? What is that in your narrow mind?

Posted: Mon Sep 12, 2005 2:33 am
by Ducaale004
[quote="aamina_00"]

ducaale, i have the english version, but i am looking the somali version. do you know anywhere that i can find.[/quote]




In adeertiis, saan hore kuugu sheegey, ninkaa aan kuu tilmaamey pm gareey. Try to pm that man in http://www.somaliaonline.com/cgi-bin/ubb/ultimatebb.cgi
He has a nick called Jamaal11. He will help you most definately, if you are a member in that forum. Otherwise, i will look it for you.

UKMAN9 Saxibow mid aan ku waydiiyo. Ma buugaagtii Somalia ayaad heysaa? I heard of the story once and then i didn't have interest for it until i realized how influential and exuberant the book was and has been. But the story is said to be a true story. this man was a seaman and he was in love with this naturally gifted woman. Their boat drowns in the Gulf of Aden long time ago and he rescues her by swimming her for 12 hours. They luckily survived, but the amazing thing is that her love for him intensified and the more she wrote poems of admiration afterwards. Please post as much as you can. Thanks

Posted: Mon Sep 12, 2005 4:48 pm
by UkMan9
Dhuusadheer..........

Gabayadaan waa gabayo aad qaali ugu ah dadka wax garadka ah........marka saaxiib Dadka aan Dhuusada Ceshan karin in loo macneeyo waa ka mabnuuc.... Wink


Gabayadaan Hoose waa Gabayo ay isu tiryeen niman Doonta saarnaa oo reer magaal iyo Reer Baadiye isu Dacaayadeeyey....

Waa kuwan gabaydii ee .......


Reer magaalku wuxuu yiri

Wallee daacuflow reer miyaan, doocna garanaynin,
Dab la shiday aroortii hadduu, daamanka is dhaafsho,
Doqonnino waa wuxuu cadkiis, doc uga muujaaye,

Haddii doog ilaah shubo, oo duni barwaaqowdo,
Oo doobi caanaha riyaha, looga dalaf siiyo,
Oo rodol uu doondoon ku helay, uga danbaysiiyo,

Isagiyo duqdiisii markaas, dawlad la is moodye,
Damdamtiyo hangoolkii ma jiroo, diriri maayaane,
Maantaas ninkii dan u lahow, daaso hada1kaaga.

Reer miygiina wuxuu ku jwaabay

Dunnunucaay kolkuu qahwaha, debinta saaraayo,
Duuf lulaaye goortuu kaalluun, labada daan buuxsho,
Dayn qaate meeshii nin ragi, debec ka maalaayo,

Duryan xume markuu deego buu, dunida hiifaaye
Diintiyo wuxuu caayayaa, daayin ilaahiise,
Dacwad aan la garanayn iyo, dafashya baas sheegte,

Dood iyo dagaaal baa nin raga, lagu daryeelaaye,
Deeqdana haddii loogu ladho derejo wee yaan,
Wax dawddara magaaliyo ninkii degelkeed waa jooga.

Posted: Mon Sep 12, 2005 10:07 pm
by Ducaale004
Laughing How true are the lyrics of this poem?

Posted: Wed Sep 14, 2005 5:46 pm
by UkMan9
Gabaygaan waxay Cawrala tirisay markii Aabaheed yiri waxaan ku siiyey nin Xoolo iyo maal badan leh......

Cawrala waxay tiri

Maalqabeenka geeliisa ramag, madar ku maalaaya,
Oo muluggii adduunyada qaboo, midigta loo saaray,
Nim micnaha dumar yaqaan, yey maskaba dhaama,

Magalooti jaahila, oo haddana madax taagaaya,
Oo haddii muran idin dhex maro, meel ku jebinaaya,
Ninki biri magaydada yaqaan, yey maskabi dhaama,

Maangaab aan aqoon iyo lahayn, madadka haasaawe,
Oo mugdi ha been gudahayoo, marin habaabaaya,
Oo aan maraaciga haween, iyo muxibadood haynnin,

Oo aan milgiyo maansa gabay, mira ka sheegaynin,
Oo sida Cali waa maahire, mayey u horaynin,
Inaan meel cidla ah weey tamaa, yey maskabi dhaanta,

Muudal weeye iyo nimaan, muqdarba ahayne,
Oo magligiyo hangoolayntu, waa meheraddiisiiye,
Waa wixii makalay wiiladay, milaygii dayreede,

Murwana daryeelkeedu, waa xil iyo maamuuse,
Mar hadduu man facii hunguri, mee i oranaayo,
Inaan meerto guumays noqdaa, yey maskabi dhaanta,

Malabkiyo macaankiyo wixii, miid iyo maaheera,
Maantadaas haddi lay wacoo, la i mihiibsiiyo,
Maalaydaa dacartoon rabaa, yey maskabi dhaante,

Aabbow maqaan iyo waxaad moogtahaa badane,
Oo intaasoo masalooyinaan, maragsanaayaaye,
Haygu meherin aabbow, nimaanan muxibbadiishaynin,

Haygu mehenin aabbow, nimaanan muxibbadiis haynin,
Hay gu meherin aabbow, nimaanan muxibbadiis haynin,

Posted: Wed Sep 14, 2005 7:49 pm
by rasheedi30
Kan isaga ma maqasheen:

Cawrala gabaygeeda waxa ku jirey:

Casarkii hadaan weel la culay caana kugu siiyo.
Cishihii hadaan sarar cusba leh kugu cashaysiiyo.
Waa caafimaad rage hadaan cagaha kuu duugo.
Oo aadan caloosha igu hayn Caliyow yeelka ha.


Qoftanai qof aad kas fiican bay ahayd....Anigu qaybtaa caga duugistaan aad uga helay.......Smile

Posted: Wed Sep 14, 2005 8:00 pm
by rasheedi30
Actually waxad qoray waxa hore u already u post garayey UKman.........
Si ka qurux badan oo ka dhamaystiran sidayda ayuuna u soo gudbiyey.


This is our history....our precious history.....The two most famous/popular and oldest love stories in Somalia involve 2 Warsangeli men......Mohamed Shabele(ninkii Cilmi Hodan ka qaaday) and Cali Maax whose story we are currently discussing...........


Actually the first book ever written by a Somali man was written by a Warsangeli man.......

You guys have a very rich history......very culturally rich history........

Enjoy it.........extol it ....and treasure it......

Posted: Wed Sep 14, 2005 11:12 pm
by Ducaale004
Rasheedi30, What more do you know about the story or the book? I mean i haven't read or known about the history until 3 years ago. And It was passed to me through oral discussion.

UkMan, thanks 4 the contribution.

Posted: Thu Sep 15, 2005 5:15 pm
by UkMan9
rasheedi30...........

Saaxiib ilaah haku siiyo caafimaad......dadku qabiil waa ka hadlaan laakiin sidaan camal abidkeey ma arkin.....sheeko hore u dhex martay laba qof gabayadoodii aa la keeney meesha.....adiguna nin aa nin kale naag ka qaaday ayaad la imanaysaa iyo cidbaa buug qortay...adigoo u xigsanaya qabiil

saaxiib sheekooyinka qabiilka la dhex gasho iyo .sheekooyinka aan la dhex gelin soo kala baro.....

Markii sheeko tahay sheeko Jacayl..Cilmi Boodhari Hodan Cawrala iyo Cali Max to me waa isku mid waxaana laga soo wariyey sheekooyin xaqiiqdii wadnaha taabta........ damn

Posted: Thu Sep 15, 2005 6:49 pm
by Miss_Killa_Foodstampz
Abooow Abooooow UKman u doing it in somali now let me find out but any ways rose

Posted: Fri Sep 16, 2005 4:32 am
by UkMan9
Miss_Killa_Foodstampz...........

Wink

Posted: Sat Sep 17, 2005 1:29 am
by Ducaale004
Laughing Ukman, aan kaaga waramo rasheedi30. ninkaan maahan nin xun ee waa discussionkiisa ayaa saas ah. waa nin runtii aan aad uga faaideystey , aqoona u leh dhaqanka, iyo taariikhda somalia. He is a war veteran. His callousness and fierce discussion are part of his demeanor.

Conversely, let us continue the posting of such valuable poems. I am really learning from your posts.

Posted: Sun Sep 18, 2005 2:29 pm
by UkMan9
Gabaygaan waa gabay gii uu tireyey Calimaax markii loo soo sheegay in Cawrala dhimatay Isagoo la hadlaya Faraskiisii....

Calimax wuxuu yiri..

Warka xeeb laga keenay, waa xabiibtay go’dee,
Xamarow xakama diidow, xan far duulay la mood yow,
Xawaaree orordkaagoo, Ximan jeefag ku dhaafoo,
Waan xawaal dhigayaaye, caawa Xiisa i gee,

Warka xeeb laga keenay, waa xabiibtay go’dee,
Xamarow xakama diidow, xan far duulay la mood yow,
Xawaaree orordkaagoo, Ximan jeefag ku dhaafoo,
Xaq laygu lahaa, iyo xus baan dhigayaa ye,
Waan xawaal dhigayaaye, caawa Xiisa i gee,

Warka xeeb laga keenay, waa xabiibtay go’dee,
Xamarow xakama diidow, xan far duulay la moodyow,
Xawaaree orordkaagoo, Ximan jeefag ku dhaafoo,
Qalbigay xanafoonoo, xummad bey derdertee,
W/aan xawaal dhigayaaye, caawa Xiisa i gee,

Warka xeeb laga keenay, waa xabiibtay go?dee,
Xamarow xakama diidow, xan far duulay la mood yow,
Xawaaree orordkaagoo, Ximan jeefag ku dhaafoo,
Xabadkaa i dakaamoo, waan xabeebsanahee,
Waan xawaal dhigayaaye, caawa Xiisa i gee,

In kastoo la xiddeeyo, aroos loo xaradheeyey,
In kas too xoola badnaa iyo, xariir loogu hagoogey,
Xirrib tii indhaygiyo, xubnahaygay ahayde,
War xiskii i dhinaayo, Xadeed weyn ku habaabee,
Xamarow xakama diidow, xan far duulay la mood yaw,
Xawaaree orordkaagoo, Ximan jee fag ku dhaafoo,
Waan xawaal dhigayaaye, caawa Xiisa i gee,
Waan xawaal dhigayaaye, caawa Xiisa I gee,
Waan xawaal dhigayaaye. caawa Xiisa i gee,

Posted: Sun Sep 18, 2005 4:20 pm
by Ducaale004
sheekada xoogaa maa wax ku dartid, si ay dadka ugu faaideystaan. wa ku yara wareersanahey. Habkey u dhimatey waxa kala dhex marey. Sida ay isku heleen labada qof. btw, thanks for the posts.

Posted: Thu Oct 06, 2005 12:58 pm
by UkMan9
Cali Maax oo ka sheekaynaya Dhibtii ku kalliftay inoo daahiyo oo uu sabab u noqotay bixinta la bixyey Cawrala oo la siiyey nin ka diib markii la is yiri Cali waa dhintay ayaa Cali Maax waxuu ku tilmaamayaa Gabaygiisan wixii rafaad qabsaday markii dhaawac soo gaaray loogana tagay inuu dhintay oo Dhurwaa Shabeel iyo dhaawacii gaaray dhiig baxiisu nafta silic mar siiyeen

Cali Maax Wuxuu yiri:

Cawralaay johorad baad ahayd, jamatay laabtaydu,
Waxaad ahayd jannadaan raboo, jawda uu lahaaye,
Hayeeshee, jacayl waxaa ka adag, calafka jaangoyne,

Cawralaay dabayshaday dorraade, deri ma geeriyootay,
Daartii aakhiro la hub iyo, degelki mow fooftay,
Oo ma dardaarankii aad tiraa, dacar I leefsiiyey,

Ogoobey jacayl dihashadiis waa dab iyo naare,
Ogoobey waa soo duxanayaan, daqaradiisiiye,
Ogoobey waa doog aan lahayn, daawo iyo baane,

Ogoobey damiirkiyo qalbigu, way dam qanayaane,
Ogoobey dam baan ahay indhaha, daalaadhacaynaaya,
Ogoobey aniga dulmiyoo, dilay xabiibta ye,

Ogoobey anigaa deldeloo, dembi I haystaaye,
Ogoobey deyn baan qabaa, la iga deynayne,
Oo waxa deyradaas dhigayba, waa dib u dhacaygiiye,

Cawralaay ninkaan deelk a, iyo daalka kala soocin,
In kastuu dircoon yahay, haddana doqennimow dhoowe,
Ogoobey aqoondarridu,waa dulliyo leeleele,

Waa darxumo iyo hoog ninkey, dacalka saartaa ye,
Waa danqaaro waaweyn, haddaan laga dig toonaanin,
Ogoobey daacuunkiyo ka daran, dabargo?iisiiye,

War qaaddii daboollayd, markii daaha laga qaaday,
Oo dareenku galay uumiyaha, duq iyo waayeelka,
Ogoobey dul iyo layga tuur, déliya dhaadheere,

Daraawiishta heegani, markay ban duleeydaysey,
Hadaan dayr la ii dhigin, ama dab in la ii qoolin,
Ogoobey daryeel iyo aroos, iyo dereg ma weydeene,

In kastaan dagaal iyo ku jirey, duullan iyo weerar,
In kastay i dershayn, kuwaan deris wadaageyney,
Ogoobey anigaa dayacay, dahab la mooddiiye,

Wixiise daayinkay qoray ayaan, abid ku deyneyne,
Nin Darwiisha waa lagu yaqaan, dirirta gaalaade,
U daryeel dalkaagii hadday, daano iga gaartey,

Duur waxaan ku noolaa beryoo, debedda meeraayey,
Wixii aan caleen daaqayeyoo, doogga guranaayey,
Bowdada waxaan duubayayoo, keli is daaweeyey,

Dabaysha iyo fooraha waxaan, degel madoobaadey,
Wixii aan atoor dilanayoo, dab in u tuuryeeyey,
Wixii aan dab waayayoo la baxay, madag intaan doontay,

Wixii aan biyaha doonayoo, oon i dili gaarey,
Derbi dhagax waxaan xaartayoo, keli is duubaayey,
Dabaxiir shabeel ahi wuxuu, igu dul meeraayey,
Denbi kuma lahayn Cawralaay, dib u dhacaygiiye,

Ogoobey haddii dirriku dhaco, dayaxu gaadow ye,
Ogoobey haddaan daaqu bixin, duunyo la cayrowye,
Ogoobey waxaan kaa danbayn, laba diraacoode,

Afartaasi waa iga dub nixid, dharigu hayn waayey,
Oo aan deegaye gacaladay, ugu baroordiqay,
Afar kalena waa iga duce, balaan daliileego,

Darriqii siraad oo ahaa, daliig sinsaanteeda,
Oo dabreeya wixii daalinoo, deli ka tuuryeeya,
Durduro laguu man, aadaan dab u cabsoonaynin,

Dacwadii lagaa dhaaf, catiid dareen wax weydiiyo,
Raqiibna ku da?yey oo ku daa, dun markuu waayo,
Dembi ma lihide Eebbahay, derejo kuu yeelyey,

Waanigaa dal dheer uga imi inaan duceeyaa ye,
Waanigaa dul suray xaashidii iyo dooddii aan qora ye,
Waataas deddootaye dadyahow ducada aammiin dheh,

Durdurkii firdowsiyo u hoyo, togaag durduuraaya,
Ku dabbaalo web igii jannada, damal haraynaysan,
Ku diihaal bax mira diir la?ood, debinta leefaysid,

Ilaahay duggaal iyo ku sii, malab durduuraaya,
Kaa hiraabi deeqdiisu waa, daraarta xoolaade,
Waxaad doontid oo idil ilaah dacalka ku saarye,

Waanigaa dal dheer uga imi, inaan duceeyaa ye,
Waanigaa dul suray xaashidii, iyo dooddii aan qora ye,
Waatas deddootaye dad yahow, ducada aammiin dhehe,

Rasuulkii ilaah deris la noqo, deneg allow yeelye.
Diyaafadaha kuu dhige malaa?ig, daacad ah oo joogta,
Waxaad dunida weydey oo idil, daleel lagaa siiye,

Waanigaa dal dheen uga imi, inaan duceeyaa ye,
Waanigaa dul suray xaashidii, iyo dooddii aan qora ye,
Waataas deddotaye dad yahow, ducada aammiin dheh,

Dar alluu ka yimid mow tika helay, dahabadaydiiye,
Arla durugsan baan jirey markay, derin ku qaadeene,
Haddaanse ku daakinay halkay, keli ku duugnayde,

Qabriyahow daboolani adaan, cidi ku deynayne,
Adigay dummaddaada tahay, dayax la mooddiiye,
yey dareemin hiirtaanyo iyo, delel kalow raaca,
yey dareemin hiirtaanyo iyo, delel kalow raaca,
yey dareemin hiirtaanyo iyo, delel kalow raaca

Ogoobey waa sidaad u sheegtaye, anna aan u sheegaye,
waynoo daartii aakhiro iyadaan cidina deynayne,
Oo ogoobey waxaan kaa dambayn laba diraacoode.