Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Taaladii Xayle Selaase oo la diiday in laga taago xarunta AU

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
The_Patriot
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20702
Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am

Taaladii Xayle Selaase oo la diiday in laga taago xarunta AU

Postby The_Patriot » Thu Feb 16, 2012 2:38 am

Taaladii Xayle Selaase oo la diiday in laga taago xarunta AU iyo Meles oo ku tilmaamay inuu ahaa "diktaatoor dilaa ah"
Waxaa magaalada Addis Ababa kajira olole balaadhan oo dad Itoobiyaan ah ay ku doonayaan in taaladii hogaamiyihii hore ee dalka Ethiopia Xayle selaase laga taago xarunta cusub ee Modowga Africa ee magaalada Addis Ababa laakiinse waxaa ololahaas ka horyimid Meles Zenawi oo Xayleselaase ku tilmaamay inuu ahaa diktaatoor dilaa ah.

Ololahan ayaa bilowday kadib markii ururka Midowga Africa uu isku raacay in xarunta cusub taalo looga dhiso hogaamiyihii xornimo udirirka ahaa ee dalka Ghana Nkwame Ngurumah.

Ray'isulwasaaraha dalka Ethiopia Meles Zenawi ayaa mar uu ka jawaabayay su'aal laga weydiiyay Baarlamaanka dhexdiisa ku tilmaamay Xayle selaase inuu ahaa "diktaatoor dilaa ah",wuxuuna dadka ololahan wada ku tilmaamay kuwo ixtiraamku uu ka maqan yahay.

Koox iskood isu abaabushay oo ka kooban siyaasiyiin, aqoonyahaniin, oday dhaqameedyo iyo qaar kale ayaa qoraal u qoray gudiga Midowga Africa waxayna qoraalkooda ku sheegeen sida ay uga xunyihiin in Xayle salaase la inkiro.Kooxdan ayaa gudiga Midowga Africa ka codsatay in taalada Xayle salaase laga taago xarunta Midowga Africa.

Gudoomiye kuxigeenka Ururka Midowga Africa Erastus Mwencha ayaa xaqiijiyay inuu qoraalkaas uu soo gaadhay inkastoo uu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo.

Taalada Kwame Nkurumah ayaa hada ka taagan xarunta cusub ee Midowga Africa.Kwame Nkurumaha wuxuu kamid ahaa hogaamiyaashii xornimo udirirka ee Africa.Wuxuu kaloo ahaa maskaxdii ka dambeysay aas-aaskii Ururkii OAU ee hada u xuub siibtay AU, waana sababta loogu doortay in taaladiisa laga taago xarunta Midowga Africa.

Haseyeeshee waxay kooxdan Itoobiyaanka ahi sheegeen kuna andacoonayaan in Xayle selaase uu juhdi badan ku bixiyay aas-aaskii ururkii OAU islamarkaana uu soo gacan qabtay halgamadii xornimo udirirka ee inta badan Africa kasocday xiligaas.

Gizachew Shifrew oo horay gudoomiye ugu ahaan jiray mid kamid ah xisbiyada mucaaradka ee Ethiopia ayaa sheegay inay tahay khalad taariikhi ah in la inkiro oo la baalmaro waxqabadkii Xaylesalaase.

"Majirin cid kale oo aan Xayle salaase ahayn oo usoo dagaalamay qadiyada Africa hadana dhaqaalihii yaraa ee dalkiisa faqriga ah u huray inuu ku caawiyo walaalihiisa Africaanka ah," ayuu yidhi Gizachew mar uu la hadlayay saxaafada.

Dad ku dhow 3000 ayaa saxiixay qorshahan lagu doonayo in Xayle salaase taalo looga taago xarunta Midowga Africa.

Dhanka kale Dowlada Ethiopia ayaa lagu dhaleeceeyay sida ukaska ah ay uga aamustay ololahan lagu doonayo in Xayle salaase taalo looga dhiso xarunta Midowga Africa.

Ezana Haddis oo wax ka barata Jaamacad kutaala dalka Holland ayaa Meles Zenawi ku eedaysay inuusan doonaynin inuu arko dhinaca wanaagsan ee hogaamiyihii hore ee Ethiopia Xayle salaase.

Arinta Xayle selaase ayaa isbuucyadii lasoo dhaafay Meles Zenawi lagu weydiiyay Baarlamaanka dhexdiisa wuxuuna ku jawaabay in Xayle salaase uu ahaa digtaatoor dilaa ah kuwa u ololeynayana ay yihiin kuwo ixtiraamka ka aradan.

Xayle salaase ayaa sanadkii 1974 xukunka afgambi ay kaga tuureen ciidan uu horkacayay Mengistu Xayle mariam oo markii dambe toogtay kuna xabaalay goob qarsoon.

Dhanaan.com

User avatar
Kukri
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6571
Joined: Thu Oct 02, 2008 8:21 am
Location: Jigjiga

Re: Taaladii Xayle Selaase oo la diiday in laga taago xarunt

Postby Kukri » Thu Feb 16, 2012 3:05 am

take it to the cagdheer section :arrow:

User avatar
Coeus
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11709
Joined: Fri Nov 19, 2010 6:59 pm
Location: Assisting the Mujahideen in Galgala to free their region

Re: Taaladii Xayle Selaase oo la diiday in laga taago xarunt

Postby Coeus » Thu Feb 16, 2012 3:07 am

Haile selassie was nothing speciell fuck him and fuck AU and their chinese built headquarters. Talk about being Indipendent Africa, when indhoyar is building the f-king headquarters.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 60 guests