Ila qosol: Fanaan Gaadaco oo shuunka laga xiiray.
Posted by galmudug on Mar 5th, 2012 // No Comment
View :273
Galmudugnews.com – Hadalheynta ugu badan ee Somalida London ayaa noqotay qiso ku dhacday Fanaanka Cabdi Risaaq Gaadaco oo haweeneey uu shukaansanayay mudo dheer ka xiirtay Shuunka (Bisqinta ama timahiisa hoose)
Haweeneeyda Somalida oo ku nool Magaaladda London ayaan la ogeyn waxyaabaha ku qasbay inay Cabdi Risaaq Gaadaco ka xiirto Shuunka si ay qoyskiisa u dumiso hasse yeeshee sheekada qosolka badan ayaa ka dhigan mid sawir guud ka bixinee qiyaanada dumarka.
Cabdi Risaaq Gaadaco oo haweeneeyda shukaansanayay lix bilood mudo dhan waxay maalintii ugu dambeysay is aragooda ku tiri “ Inaan baashaalno ayaan rabaa laakiin nimanka Shuunka leh kama helo ee suuliga gal oo iska soo xiir hasse yeeshee markii Gaadaco Shuunka iska soo xiiray ee ay aragtay ayey sheekadii u bedeshay kaftan oo ku waan kula kaftamayay Xabiibi”
“ Isagoo xanaaqsan ayuu iga tegay Gaadaco anigana markiiba waxaan wacay Xaaskii uu qabay,waxaana ku iri waxaa kula hadlaya Gabar uu ninkeeda jecel yahay,hada ayuu iga tegay,shuunkana waan ka soo xiiray ee ninkaada Nadaafadiisa iska xilsaar” ayey tiri Haweeneeyda Cabdi Risaaq Gaadaco beerta gelisay.
Haweeneeyda waa ka biyo diiday inay sheegto waxa ku qasbay inay Fanaanka Soomaaliyeed sidaas foosha xun u qiyaanto ,oo waliba Xaaskiisa la xiriirto,
Cabdi Risaaq Gaadaco ayaa markii uu xaaskiisii u tegay u galay sheeko iyo kaftan sida uu Saaxiibadii u sheegay balse waxay sheeko dheer kadib aragtay inuu run yahay hadalkii naagta la soo hadashay ,kadibna sida lagu yaqaan naagaha Ingiriiska bacdiisa ayey banaanka ugu tuurtay.
Inkastoo Dhalinyaro Somalia isu xilsaareen inay badbaadiyaan qoyska Gaadaco maadama la qiyaanay hadana qaraabada Fanaan Cabdi Risaaq waxay qabaan inuu xaqii uu ka galay Marwadii UK geysay iyo Caruurtiisa dalanbaabi la yahay.
Falka foosha xun ee Gaadaco ku dhacay wuxuu digniin siinayaa ragga Somalida ee Gebi dhacleynta iyo gogol dhaafka badan.
Ingiriiska waxaa ku nool Somali war badan kuwaas oo mararka qaar la moodo inaysan waxba u kala qarsaneyn.
Ladan Nur
London – Uk




