Gaal Mahiga's mockery of Islam
Posted: Sun Mar 25, 2012 6:56 am
Dhacdo layaab leh oo maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho iyo Soomaalida oo hadal heysa "Sawir"
Ummada Soomaaliyeed ayaa waxay si weyn ula yaabtay markii uu maanta Dr Augustine Mahiga uu ka qeyb qaatay, Aaskii Qaran ee maanta Garoonka Diyuurdaha ee Aadan Cadde loogu sameeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/Laahi Yuusuf Axmed.
Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobe u Qaabilsan Arrimaha Dalka Soomaaliya Dr Augustine Mahiga, ayaa wuxuu maanta uu ka qeyb gallay Salaaddii Janaasadda ee lagu tukaday Allaha u naxriistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/Laahi Yuusuf Axmed.
Dr Augustine Mahiga ayaa wuxuu ku dhinac tukanaayay Raa’isal Wasaaraha, Golaha Wasiirada, xubno ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya.
Madaxda Dowladda ayaan wax dhib leh u arag in Dr Augustine Mahiga uu ka qeyb qaato, Salaaddii Janaasadd ahayd ee maanta Garoonka Diyuuradaha ee Aadan Cadde loogu sameeyay Allaha u naxriistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/Laahi Yuusuf Axmed.
Amuurtaan ayaa waxaa si weyn ula yaabay shacabka ku dhaqan Magaaladda Muqdisho, ilaa iyo haataana majirto wax sax ah oo ay dhacdadaasi ku macneeyeen, waxaana qof walba ka soo haray yaab iyo amakaag.
Taasi waxaa ka sii daran markii dadka Soomaaliyeed ee Wadamada Qurbaha ku nool ay amuurtaasi arkeyn, wuxuuna qof walba uu ku weydiinaayaa su’aal layaab leh, taasoo ah “Mahiga Muslim miyaa”?
Waxaa meesha ka muuqato in Ummada Muslimiinta ay sareysiiyeen gacanta midig, halka Dr Augustine Mahiga uu sareysiiyay gacantiisa bidix, waxayna taasi muujineysaa in Dr Augustine Mahiga uusan weli qaadan Diinta Islaamka, haddii ay dad badani u moodaan in uu qaatay.