Today even murtad Aweys told alqeada to stop the senseless killings of civilians.
Dilal Kala Duwan oo Caawa ka dhacay
Magaalada Muqdisho iyo Cabsidii ugu
xooganeed oo Shacabka Magaalada lasoo
daristay
Waxaa Caawa Dilal kala duwan oo
qorsheesan ee ka dhaceen Xaafado katirsan
Magaalada Muqdisho kuwaa oo loo geestay
dad rayid ah oo kusugnaa Xaafadahooda.
Dilka hore ayaa Caawa ka dhacay Xaafada
Buulo Xuubey ee Degmada Wada jir halkaas
oo lagu dilay Wiil dhalinyaro ah oo kamid
ah Dhalinyarada Xaafada iyadoona Kooxo
Bistoolado ku hubeesan ku toogteen Xaafada
Buulo Xuubey.
Wiilkan oo Magaciisa lagu sheegay Cawil
ayaana Kooxo hubeesan waxa ee ku
dhufteen dhoor xabadooda isagoona
dhaawac soo gaaray kadib u
geeryioooday ,waxaana goortii la dilayay
wiilkan uu kayimid Goob Banooniga lagu
ciyaaro oo kutaal Airporka Aadan Cadde
Agteeda.
Wiilka Caawa la dilay ayaan wax lug ah ku
laheyn siyaasadaha is diidan ee Dalka kajira
sida dadka deegaanka sheegeen iyadoona
aan la ogeyn cida Dilkiisa ka danbeysay iyo
sababaha loo dilay
Waxaa sidoo kale Caawa Degmada Shibis
lagu dilay Nin oday ah oo katirsanaa Dadka
deegaanka iyadoona la sheegay in Ninkaasi
dileen kooxo afka soo duubtay oo Bistoolado
ku hubeesnaa lama oga isna waxa loo dilay
Ninkaasi.
Xarakada Al-Shabaab ayaa horey dusha u
saaratay Masuuliyada waxii dil ah ee ka
dhaca Magaalada Muqdisho xiliyada
Habeenkii ah iyadooan habeenadan falalka
Dilakka Qorsheesan muqdisho kusdoo bateen
kaa oo cabsi badan ka muujiyeen Dadka
Reer Muqdisho.
The bitterness of alshabaab is huge.