Iskahorimaad ku dhex maray magaalada
Hargeysa dad rayid ah iyo ciidamada
Madaafiicda goobta ee Somaliland
Dad rayid ah ayaa weeraray saaka saldhig
milatari oo ay ciidamada Somaliland ku
lahaayeen bariga magaalada Hargeysa waxaana
halkaas ka dhaca iska horimaad xoogan oo
geystey qasaare isugu jira dhimasho iyo
dhaawac.
Weerarkan lagu qaaday xerada madaafiicda
goobta ee magaalada Hargeysa ayaa la sheega
in lagu diley shankamid ah ciidamada saldhigaas
ku sugnaa iyo labo ruux oo rayidkii soo weeraray
xerada.
Hase yeeshee iska horimaadkan ayaa waxaa
lagu qabqabtay illaa iyo 28ruux oo loo haysto
inay ahaayeen dadkii ka dambeeyey weerarkan
waxaana ka mid ahaa dadkaas la qabqabtay
siddeed ruux oo rayid ah kuna dhaawacmay
iskahorimaadka.
Dagaalkan ayaa dhacay sida la sheegay kadib
markii dad sheeganayay lahaanshaha dhul ay
degen yihiin ciidamada madaafiicda ee
magaalada Hargeysa. Dad u hadlay dadka
weerarka qaaday ayaa sheegay in ay isku dayeen
in ay si nabad ah ku helaan dhulkaas ay
ciidamada xoogga uga degeen hase yeeshee
laga diidey.
Xaalada ayaa degen hase yeeshee waxaa jira
weli cabsi laga qabo in dagaalkan uu noqdo mid
soo noqda maadaama aan weli xal laga gaarin
sababta keentay iskahorimaadka.



