Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Noloshii Garaad WiilWaal, Qaybtii Koowaad‏

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
Faarax-Caytame
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 428
Joined: Fri May 23, 2008 2:34 am
Location: Awaare

Noloshii Garaad WiilWaal, Qaybtii Koowaad‏

Postby Faarax-Caytame » Mon May 28, 2012 3:11 pm

Garaad Xirsi Garaad Faarax Garaad Xirsi, oo lagu garan ogyahay Garaad WiilWaal waxa uu ka talin jiray Gobolka JigJiga iyo agagaarkeeda.
Garaad WiilWaal wuxuu ka arimin jirey saldanad tirsata ilaa 25 Garaad oo ka horeysay isaga oo uu ku abtirsan hayay.

Garaad WiilWaal wuxuu ka dhashay tolweynaha Daarood Ismaaciil Jeberti, khaastan Absame Kuumade, si hoos iyo qoysna Jidwaaq.
Garaad WiilWaal wuxuu ku dhintay 63 sano, xili lagu qiyaasay 1850kii.
Garaad WiilWaal raguu dhalay iyo magacyadoodu waxay kala ahaayeen;

Dhulbahante
Cubbeed
Cumar
Axmed
Qaallib
Askar
Farruur
Xiirey


Garaad WiilWaal wuxuu la dhashay laba wiil oo la kala odhan jirey;
Guuleed-Kotte Garaad Faarax iyo Samatar-Caarre Garaad Faarax, Labadana dad baa ka dhaqan.
Garaadku wuxuu kaloo la dhashay dumar la kala odhan jiray ;

Cawrala Garaad Faarax
Canbaro Garaad Faarax
Cawo Garaad Faarax


Adeeradiisna waxay kala ahaayeen;

Samatar Garaad Xirsi
Magan Garaad Xirsi
Cali Garaad Xirsi
Guuleed Garaad Xirsi


Garaad WiilWaal haweenkuu guursaday magacyadoodu waxay kala ahaayeen

Timmiro-Caddeey
Dahabo Qalatara
Dahabo Aw-Cali Dalal
Beydan Duula


Qaar uu fureyna waa jirreen, afarta aan kor ku xusnay laftoodu xilli ay kala maseyreen baa jiray oy garaadka u yimaadeen.
Markaasuu buu ku yidhi, gabalku markuu dhaco, golaheyga aan ku caweeyo iigu imaada, markay ugu yimaadeen buu yidhi sii jeedsada, middii aan dhabarka ka taabto unbaan jeclahaye, iyadoo aamusan ha dhaqaaqdo oo aqalkeeda ha gasho.

Dhamaantood ayuu dhabarka ka taabtay, Mid waliba iyadoo aamusan bay aqalkeedii gashay, iyadoo maanka ku heysa adigaa laguugu jecelyahay oo dhabarka lagaa taabtay.
Garaad WiilWaal qaboojinta dumarka sidaas buu ugu xeel dheeraa.

Naaneysta WiilWaal ah intii aan loo bixin yaraantiisii, ilaa qiys ahaan intuu ka gaadhayay 15 jir, waxaa lagu naaneysi jiray Jinni-Boqor.
Sababtuna waxay aheyd inuu ahaa nin firfircoon, oo tababka dagaalka isagoo yar hantay, meel uu leeb ku ridayna aan la seegi jirin inta badan, Nin haday legdamaana inta badan dhinaciisa dhulka lama dhigi jirin.
Wixii la qaybsadana wuxuu ahaa wiil jecel in dheeraad laga siiyo, ama xeelad haku helo ama tabo kale haku helee.

Dagaalyahanimo, Gabyaanimo, Farda-dhaadhinimo iyo Gacan fudeyd lala yaabay ayaa barbaarnimadiisiiba lagu bartay.
Waligiisna sida la wariyey cid ay iska hor yimaadeen, nebar kalama hormarin.

Had iyo jeer, Warmihiisa iyo qalabkiisa dagaalku meel gacantiisa ka fog ma uusan dhigin.
WiilWaal isagoo 15 jir, aabihii Garaad Faaraxna noolyahay oo talada Jidwaaq isagu gacanta ku hayo, buu magacii aabihii hadheeyay, oy noqotay in wiilkan yar ee soo kacay lagu wada hadaaqo.

Duqii dhalay oo wali ifka saaran, ayuu wiilkan yari taliyey , waxna dilay, waxna derajeeyay.
Hadal uu yidhi cidi ma diidi karin, mana asaraari karin.
Nin melagiis gelay mooyee, nin "MAYA" kula dhici kareyna lama sheegin.

Qaybaha dambe la soco iyo noloshii Garaad WiilWaal

FaaraxGeeydh@hotmail.com

Conqueror
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1030
Joined: Mon Apr 30, 2012 7:59 pm
Location: "A great civilization is not conquered from without until it has destroyed itself within"

Re: Noloshii Garaad WiilWaal, Qaybtii Koowaad‏

Postby Conqueror » Mon May 28, 2012 3:20 pm

iilaa maantadan I have no clue what Wiilwaal has contributed to Somali history. Ta labadna magaaca WiilWaal is of Sudanese (Dhinka) origin. Something doesn't add up here.

User avatar
metamorphosis
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6039
Joined: Mon Sep 26, 2011 2:05 am
Location: Cali iyo haaruun, miyaa gabal isaaq ciilay? Reer Cali miyaa wada cuskaday, curadadii reerka?

Re: Noloshii Garaad WiilWaal, Qaybtii Koowaad‏

Postby metamorphosis » Mon May 28, 2012 3:43 pm

iilaa maantadan I have no clue what Wiilwaal has contributed to Somali history. Ta labadna magaaca WiilWaal is of Sudanese (Dhinka) origin. Something doesn't add up here.
He drove Off The last of The amxaara In those lands. He was also a king for absame.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 57 guests