Saraakil u hadashay Shikh Xassan Daahir Aweys
ayaa si adag u beeniyay warar idaacadaha iyo
Website yada Somaalidu aad isula
dhexmarayeen kuwaasi oo ku saabsanaa in
shikh Xassan Daahir Aweys uu isuso dhibayo
DKMG ah ee Somaaliya islamarkaana heshiis la
galayo.
Kadib baaritaan dheer o ay Warbaahinta
dhacdoyinka.com Samaysay ayay ku heshay in
wararkaasi ay yihin kuwo been abur ah oo ay
samayeen xubno ka tirsan DKMG ah ee
Somaaliya oo donaya inn ay ogaadaan Mawqif
Shiikh Xassan Daahir Aweys maadaama Cududii
Ciidan ee al shabaab la wiiqay.
Shiikh Xassan Daahir Aweys oo maalmihi ugu
danbeeyay ka gaabsaday la hadalka Idaacadaha
Somaalida iyo kuwa Caalamiga ahba ayaa
intabadan mawqifkisa waxaa uu ku soo
bandhigaa Masaajidada iyo Meelaha laga
cibaadaysto.
Tafatiraha Dhacdoyinka.Com Xassan Cadde oo
xirir la sameeyay Sarkaal aad ugu dhaw Shiikh
Xassan Daahir Aweys ayaa ku yiri’’ Wax waqti ah
ha isaga luminin hadalkaan aad I weydinayso ee
ah in Shikh Xassan Daahir Aways uu donayo in u
Heshiis la galo Shiikh Sharif iyo waxa aad
Dawlada ku sheegayso’’.
Tafatiraha ayaa isku dayay in uu la hadlo Shiikh
Xassan Daahir Aweys ha se yeeshee waxaa loo
sheegay in shiikhu aanu xilligaan diyaar u ahayn
in uu warbaahin la hado iyadoo Shiikh Xassan
Daahir uu ku sugan yahay meel kamid ah
gobolada Konfureed ee Somaaliya.
Shiikh Xassan Daahir ayay ciidamadisu si tartiib
ah uga baxeen deegaanka Ceelasha Biyaha,
Afgooye iyo Lafoole oo ahayd saldhigyadii ugu
muhim sanaa ee uu ka duuli jiray ama
Gabaadka ka dhigan jiray.
Shiikh ayaa xeelado badan oo uu isku dayay in
uu ku hawlgalo waxaa ka hor istaagay Amiirka Al
shabaab iyo qaar kamid ah Saraakisha Al
shabaab hase yeeshee waxaa uu bilihi ugu
danbeeyay go’aansaday in uu qaab kale ula
macaamilo saraakisha Al shabaab gaar ahaan
Amirka.
Waa jirtaa in Shikh Xassan Daahir aweys u wado
qorshe ka duwan kan Al shabaab hase ahaatee
ma ahan mid uu kula heshisinayo Shiikh Shariif
iyo Xulafadisa ayuu yiri Mas uul ka agdhawaa
Shiikh Xassan Daahir Aweys isagoo ka gaabsaday
in u arintaasi faah faahin ka bixiyo.



